Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on February 03, 2012, 11:19:18 PM

Title: Su'aal: Xanuun dhinaca wadnaha ah?
Post by: Khaalid Yusuf on February 03, 2012, 11:19:18 PM
ASC marka hore wan idin salaamayaa dhaman dhakhaatiirta isu howlay isdii ay u caawin lahaayeen walaalahood.
waxan rabaa in layga soo jawaabo arin i heysatey illaa 4 bil waxan aday addis abba sadandii hore dhamadkiisii waxan subax la soo toosay wareer aan caadi aheen markaan madaxa barkinta saaro ayaa dhulka oo dhan ila wareegayaa oo hadii aan soo fariisoto wareer ma dareemayo hadii aaan kor u fiiriyo samada macnaha cirka markaasna wan dareemayaa oo inaan dhaco ayan kusiganayaa sidoo kale wadnaha ayaa ad iigaraacaya ilaa aan isdhaho wuu ku istaagi rabaa dhakh tar ayaan u tagey isla maalintii dhiig ayuu iga qaaday waxuu idhahay teyfoodh ayaa ku haayo daawo ayuu iiqoray wan dhamaystay balse sidii ayaan ahay in kasta oo iga soo yaraday, ma ihi qof qandho heyso cuntadana waxan u cunaa si caaadi ah. waxan kusoo noq day sweden oo daganahay waxaan utagay dhakhtarkeygii waan uga sheekeeyey dhiig ayuu iga qaaday balse waxuu jawaab iisiiyey wax cudur ah oo ku hayaa majiro ok ayaad tahay mudo kadib wareerkii waa iga ba,ay balse wadna gariir ayaan dareemayaa waxaa iigu daran marka aan banooni cayaaro ama socod dheer socdo ama ordo habeenkaa ma seexo oo waaga ayaa iibarya sida wadnahu ii garacayo oo xanuun ayaan dareemayaa mar marna dhidid badan ayaa iga yimaada markaas ayan fiicnaadaa oo seexdaa tamarta aya iga tagta. nin dhakhtar soomali ah oo isku magaalo daganahay ayan u sheegay waxuu igu dhahay maxaad qaban jirtay markaaad joogtay addis waxan dhahay xaaskayga ayan lajoogay waxanna usheegay bil aan joogay in aaan habeen kasta galmo sameyn jiray 30 kiiba waxu idhaya waxaa mar qura kaabaxay energy badan (enerji) waxaad ubaahantahay nasasho iyo cunto badan walina waan dareemayaa xanunkiii iyo gariirkii wadnahay wax aan sameeyo ma aqaan dhakhtarkeygii Sweden waxuu ileeyahay waxba ma qabtid waxaa kaloo jira maalintii oodhan caadi ayan ahay habeenkii markan jiifsanaayo ayuu dhibakan yimaada markaa maxaan sameeyaa maxaa ihaayo maxuu yahay xanuunkan iiga soo jawaaba illaahay ha idin cawiyo
Title: Re: Su'aal: Xanuun dhinaca wadnaha ah?
Post by: CilmiSabca on February 05, 2012, 11:44:59 PM
Walaal si uu dhakhtarku u soo saaro, waxaad soo sheegtaa da'daada, miisaankaaga iyo cadaadisyada dhiigga iyo neefsashadaada. Iyo haddii aad isticmaashid sigaar Iwm. Waxay ila tahay in ay arrimahaan saameeyaan xaaladdaada. Thanks.
Title: Re: Su'aal: Xanuun dhinaca wadnaha ah?
Post by: Khaalid Yusuf on February 06, 2012, 06:48:55 PM
walal da,dayda waa 30 dherer 173 miisaankayga  76 k cadaadiska dhiiga waa 120 kor hoos 80 markasta oon is cabiro. Neefsashadayda waa caadi marka wadnahu bilaabo garaaca mooyee oo neefta ayaa igu yaraata illaa aan is dhaho armaad neefba weydaa  kadib wax bal wad ahna ma lihi  sigaar iyo wax lamida ba
Title: Re: Su'aal: Xanuun dhinaca wadnaha ah?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 08:24:03 PM
Waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid takhtar wadnaha ku taqasusay si xaaladaada dhinac loo bixiyo.

Wadna garaac joogto ah waxay tilmaamaysaa labo cilladood mid:
1- In wadnaha xanuun kaa hayo
2- In cadaadiska dhiigga ama quudinta dhiigga ee maskaxda ama cillad wareegga dhiigga in ay ku haysato.

Fadlan la xiriir takhtar wadne sida ugu dhakhsiyaha badan, kadibna nala socodsii wixii aad la kulantid.