Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on February 08, 2012, 01:43:59 PM

Title: Su'aal: Hamada?
Post by: Nuur12 on February 08, 2012, 01:43:59 PM
waad salaaman tihiin taqaatiirta sharafta leh iyo aqyaarta webkan isticimaasha in taa ka dib waxaan qabaa 2 suaal nin saaxiibkay ah oo dhalin yaro ah ayaa mehersaday gabadh wuxuu yidhi nin kaa si mucjiso ayaa i heshay ninkaa si wuxuu sheegay in marka uu isdhaho xaaskaaga aah ee diyaargaroobo la mid noqonaayo mid aan meeshaba joogin wuxuuyidhi waxaan noqonayaa wax aan midh dareen ah lahayn sida uu ii sheegay marka uu meelahaa joogo waxaan ahay caadi buu yidhi marka aan xaaskayga u tagayo baan qadka ka baxayaa maxaa dhacay maxaad ku salayn lahaydeen maxaa kula talin lahaydeen taasi waa taa


 midkale oo aan layga jaahil saarin inamada yaryar malagudi karaa markay dhashaan markay dodoba baxaa markay afartan baxaan iwm ma jirtaa ilko dawaco mise majirto waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Hamada?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 08:07:15 PM
Midda hore, waxaan dhihi lahaa saaxiibkaa, quraanka ha akhristo, aayadaha sixirkane haku dadaalo, dad badan oo arintaas ka cabanayo oo talooyinkaas ku caafimaaday ayaan aqaannaa oo caafimaadka wax ka tari waayay.

Midda kale caruurta markay dhashaan waa la gudi karaa.

Midda ugu dambayso ma jirto wax la yiraahdo ilko dawaco, waa wax ay soomaalida aaminsantahay.
Title: Re: Su'aal: Hamada?
Post by: Wacays on March 11, 2012, 03:54:26 PM
Acww.

Anigu Dhakhtar maahi, Sidase Dhakhtarkuba sheegay, su'aashaada hore waxaa arintaas loo aanayn karaa dhawr nooc oo isa soo guda galaya, kalana ah.

1. In qofkaasi uu hayo jin.
2. In qofkaasi laga sixray haweentaan qudha, maadaama marka uu ka tagana uu caadi noqonayo.
3. In qofkaasi ay Il ku dhacday amaba la cayuumay, Ishuna waa xaq.

Waxaan kula talin lahaa walaalkaas, in uu quraan isku akhriyo, waxaanan odhan lahaa si khaas ah intan hoose ha ugu dadaalo.

 1. In uu mar walba wayso qabo, si shaydaanka iyo jinka uu Ilaaheey uga Ilaaliyo.
 2. In uu ku dadaalo salaadda Jamaacada iyo adkaarta ka danbaysa mid walba.
 3. In uu ku dadaalo adkaarta subaxii iyo adkaarta galabtiiba.
 4. In uu akhristo habeenkii kow iyo toban Aayad kursi.

Inshaa Allaahu waxaa Ilaaheey ooga rajaynaynaa saaxiibkaa inuu Ilaaheey ku caafiyo, haddii talooyinkaas waxuun ka qaato.

Allahana Caafiyo, isaga iyo inta xanuunsanba.