Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaliifa on February 23, 2012, 05:11:44 PM
-
asc w wb. salaan kadib illaahay baa mahad iska leh idin waa fajiyey shaqadaan muhiimka ah ee shacabkiina u haysaan, intaa kadib waxaan rabaa in aad bal isoo faahfaahisaan mudo hada laga joogo sadex sano iyo bar ayaa wiil yaroo aandhalay wuxuu kasoo dhacay sar dabaq hal biyaano ah,waxa uu dhula ku dhufsaday wejiga meesha sujuuda la dhigo, ka dib komuu galay waxa una dhiig ka waday sanka daloolka midig untii uu koomada ku jiray , ka dib wuu ladnaaday adigu mudo markuu joogo ayuu xanuunkii ku soo boodayaa sidii qalal camal oo neefsi sanqari ku jirto iyo gacmaha iyo lugaha oo gariiraya ama nuuxnuuxsanaya ayuu yeelaya,
intaas kadin xanuunku marna waa kal dheeraanayaa marna waa isku dhowyahay iyadoo kolay laga yaabo inay difaaca jirkiisa tahay adiga cunuga koritaankiisu heerarbuu soo maray marka hada garashadiisa iyo xusuustiisa iyo hadalkiisa waxaasiba caadi bay noqdeen laakiin cilada ugu weyn e aan rabo inaad fekerkiina igu siyaadisaan ayaa ah maadaama hore aan idnku soo sheegay in dhiig badani kayimi markii nabarku gaaray dhinaca midigta ilaahada dhinaca midigtu inuu xiran yahay ama hilib dheraadi ku yaalo ayaad moodaysa waagu yaraa waxba ma caalaalin karin wixii uu cunayo wuu iska liqi jiray afkana waa ka neefsan jiray laakiin hada mudo markuu aad isaga fiic naado ayuu xanuunkaas sida qalalka ah uu kusoo boodayaa mudo kadibna caadi buu iska noqonayaa marmar xamar ayuu ku noolyahay ee iayadoo habeen ay tahay ayuu kusoo boodayaa meel la aadin karona markaas majirto isaga uunba acaadi iska noqonaya marka quraan lasaaro waayo awooda markas mesha taalaa intas ahayd iyadoo in illaahay lafgu xirnaado marwalba fiican tahay ayaa hadana dadaal laynaga doonayaa.
sidaas darteed anigu hada lama nooli laakiin sidaan ka warhaayo wax dawo ah oo macquula oo mudo uu ku roonaado ayaan ayaa waxaa la geeyey cusbataal ciidamada burundi gu ku leeyiin jaamacadii hore ee GAHEYR waxay ku soo dureen irbad oo maqaarka ay ka siiyeen koley xididka may ahyn bana filayaa adigu meel kasta haka qato irbadaas muduu ku ladnaa talaal weeye ayeyna dhaheen marka waxa igu maqaalo ah markaan is iri la xiriir dhaqtarkaas bal qaabka uu xanunkaas u fahmay iyo wixii nala gudboon waa la dilay dhaqtarkaas isaga ah,ugu danbayn anigoo fahmaya xanuunku inuu qofku haduu ku daawo kolay uu cronic noqonayo marba marka ka danbaysa ee qofku sii weynaadana ay argtideeda leedahay ayaan waxaan doonayaadhaqaatiirta sharafta leh ee hagar la,aanta hawshaan u wada in bal intii karaankooda ah ay igu cawiyaal wixii ay ka fahmeen su,aashayda,
NB . waan soo aqriyey macluumaad badan oo aad kaga jawaabteen jugta madaxa gaarta ama dhibatooyinka maskaxda gaara laakiin in calaamadaha cunugu leeyahay mid ka mida aan ka fahmo sida inuu gacan iyo lug dhaqdhaqaajiyo mooyee wuxuu yarkani kaga bedelanyahay isaga waa wejiga sanka korkiisa meesha jugtu kaga dhacday waxayna xirtay daloolada sanka mid ka mida ood moodo in hilib dheeraadi ku yalo, siadaas darteed anigu waxan jaamacad ka diyaariyaa wadanka italy dhaqaatiir badan oo aan meel kula noolahayna waan weydiiyey marka mid qaliin waa lagama maarmaan iyiri mid asbaabo akle ku taliyey wey jiraan marka maadaama ad dhaqaatiir somaaliyed oon is af fahmayno aad tihiin bal arin taas wax iga soo dhaha illaaaaaaaahay ha idin sahlee.
wabilaahi tawfiiiiq. w w b,
-
Midda ugu horreyso wiilka allaha kuu caafiyo.
Jugta aad ka hadashay, la tacaalisteeda marba heer ayay lahayd, markii ugu horraysay oo jugta cunugga gaartay waxaa laga yaabaa in lafta sanka iyo wejiga u dhaxayso ay jabtay ama dhiig kuus ah uu fadhiistay sidaasane lagu daayay oo meeshii sanqada ay xirantahay.
Midda kale maadaama hadda in muddo ah ay ka soo wareegatay waxa u baahan in lala tacaalo ayay waxay tahay: qalalkaan soo laalaabanayo oo laga yaabo in ilmaha uu ku dheeraan karo una geysan karo jug hor leh oo ku naafoobi karaan.
Qalalka waa cudur halis ah, soomaalideenan aqoon dheeri ah uma lihin, dadkeena waa ku yaryihiin dad yaqaanno in cudurkaan uu leeyahay daawo loo qaato oo joogto ah oo lagu daaweeyo qallalka, daawadaas oo saxdo dhaqaaqa korontada ee maskaxda.
Fadlan waxaa talo ku siin lahaa: cillada sanqada xiran waxaa ka daran qallalka ee yaa lagu fiirsan cunugga, la xiriir takhtar Neurologist, haddii uusan joogin meesha aad ku nooshahay waxaad la xiriirtaa hay'adaha caafimaadka oo daawooyinkaas si bilaash ah u bixiyaan.
Midda kale oo ku aadan sanqada xirantahay, ha xiraan jab ama hilib ka soo baxay ama dhiiga fadhiistya taasi haddii dhib wayn oo qalliin loo galin karo cunugga ay jirto waa qalliin.
Halkaan ka akhriso qoraal wacyi galin oo ku saabsan qalalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html)
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na waydiin kartaan.