Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zameeha on March 05, 2012, 02:46:36 AM
-
asc walaalo yaal waan idin salaamay
suaal ayaan rabaa inaa idin waydiiyo walaloyaal waxaana ay haystaa (ninkayga)
waxay tahay walal dhibka haystaa markuu kacsado ama uu dareen xoogle dareemo
waxa xanuuna uu kaar ka dareema ayaamo socda halka isgooyska ah ee xiniinta u dhow dhinacse ah
markaa kol uu u tagay DR waxa uu ku dhahay muruq ayaa kaa haya
waxaan rabaa
maadama ay ninkayga war war xanuun kaasi ku hayo kolku kacsadoba de ay daba taagan tahay
1) inaa faah faahin ka ogaado dheeraada waxa sababaya iyo wuxuu yahay
2) inay dhibaato caafimaad oo xaga dhasha ah wax ku keeni karto ama naf ahantiisaba walaalo xanuunka halkaa ka hayaa
inta badana islama joogno waayo laba wadan baan ku kala noolnahay
jawaab dag dagaa idinka sugayaa walalao
-
Xanuunka aad tilmaamayso oo ragga ay dareemaan xilliga kacsiga waxaa keeni karo dhowr arrimood oo u baahan in la kala saaro maadaama daaweyntoodane ay kala duwantahay sida aad sheegtay waxaa ka mid ah: Muruq roor, Xanuun xidid neerfo ah, Xanuun qanjirka prostate-ka ah, Cadaadis xarigga manida ragga (Spermatic Cord) iyo xaalado kalaba.
Fadlan waxaan kula talin lahaa in uu la xiriiro takhtar ku taqasusay cudurrada "Urology-ga" ama cudurrada taranka ragga si daawo u helo, xanuunadaas dhamaantoodane waa la daaweyn karaa laakiin sida aan kuu sheegay midka uu ka sheeganayo in la ogaado ayaa muhiim ah.
Haddii su'aal dheeraad ah aad qabto waa na soo weydiin kartaa.
-
waad mahadasantahay walaalo waan u sheegay sidaad usoo jawaabtay kadib wuxuu iigu jawaabay sidan
waxaa jira markaa wax dareemo
oo aan saaid u dareemo
wax aad xidid moodo ooo ilaa boodada midig dhexdeeda qaada baa i xanuuna
oo xiniinta midig waa i kululaataa
markaa sidii inaa wax xidhmaya oo kale baan darema
waana hal dhinac oo keliya
oo weliba meesha boodada baan wax ka dareema
xanuunka
iyo xiniinta xigta oo kululaata
waad mahadsantihiin walaalo
-
Laba goorba kama maarmo in uu la xiriiro takhtar si loo ogaado xididka aad tilmaantay oo boodayo markuu dareen galo.
Waana mid dhici karto.