Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: BUREEQO on March 07, 2012, 11:22:51 AM
-
Asalaamu calaykum waraxma, bacda salaam idinkoo raliya waxan jeclahay inaad ii ga jawaabtan su aashan ah in mudaa waxaa la iga hayey qumanka waxaan ucuni jirey ampiciln badan ama aspirin ilaa iminka dhuuntu sidii bay ii xanuntaa lakiinse ima bararto in muda ah ka dib waxaan bilaaay in boga la iga qabto sidii hur laakiin iminka waxaa iigu daran boga dhinaca midig oo aad moodaysid inay wax imarmarayaan ilaa dhabarka waxaa la iigu sheegay inuu gaas ihayo hadaan omperazoleka gaaska cunayna waa sidiisi waxba iga marmarya bogaha feeraha hoostooda dhinaca bidix aad uma da weyni waxaa ahy ilaa 20 jir gabadha wax qandhaa malihi laakiin waxaa igu daran boga ay wax iga marmaraayann oo dhinaca midiga ilaa feerah hadaba arintaas wax la talina iga sii fadlan...........
by bureeqo
-
Talooyinkaan qaado:
1- Jooji aspirinka oo ah sababta ugu koowaad ee gaaska kuu keentay
2- Ka fogow cunnada kiciso gaaska sida saliidaha, dufanka, suugada, dhandhanaanka, cabitaannada aashitada leh, cunnada khamiirka ku badan yahay
3- Daawada omeprazole-ka raadso mid tayo leh, waxaadna dhamaysataa koorsada loogu talo galay, haddii bakteeriyada gaaska lagaa helayne la qaado daawooyinka kale ee loogu talo galay ciribtirka bakteeriyada gaaska.
4- Haddii xanuun ku qabto la tasho takhtar inta aadan daawooyin isku qorin.