Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bardacad33 on March 11, 2012, 03:55:51 PM

Title: Su'aal ku sabsan gaaska ama gastariiga?
Post by: Bardacad33 on March 11, 2012, 03:55:51 PM
A/C dhamaan waan idin salaamay  dhaqatiirta walaal hadaan su.aashay da u gudbo walaal waa maxay gaas
mala dhihi ka raa hadii la gaa hayo boga oo mar kuu ku gu ka co aad shuban madow iyo dhig wata leh caajis
tabar daro iyo xanuun calosha korkeda mahad sanidiin mideda ka le fadla iga jahil bixiya gaas ka inta uu u qaybsamo
iyo dhibata da uu leya hay mustaqbalka
Title: Re: Su'aal ku sabsan gaaska ama gastariiga?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 06:12:06 PM
Qofka markii laga qabto bogga uuna leeyahay laabjeex, waxaa la yiraahdaa wuxuu qabaa: Gaas ama Gastiriko, waxaana lagula daardaarmaa in uu ka fogaado waxa u keeno xanuunkaan sida daawooyinka qaar tusaale ahaan Aspirin, waxaan la siiyaa daawooyin lagu daaweeyo, cunnada gaaska kicisane waa laga fogeeyaa.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan gaastirikada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Haddii qofka uu bilaabo dibiro iyo inuu dhiig matago ama shuban dhiig leh dhigo taasi macnaheeda waa in boog ay ku samaysantay caloosh, wuxuuna isku badala gaas calooleed ama boog calooleed, waana halis oo qofka dhiig bax ayay ku ridaa wuuna u dhiman karaa.
Hadduu qofka iska daaweynin oo uusan qaadan daaweooyinka loogu tala galay, waxay keensan kartaa in caloosha ay dillaacdo oo isku furanto ama dhiig bax daran kugu dhaco oo aad la dhimato.

Fadlan la xiriir takhtar si laguu daaweeyo inta uu xanuunka kugu cusub yahay.