Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bardacad33 on March 31, 2012, 04:02:21 PM

Title: Su'aal: Neefta?
Post by: Bardacad33 on March 31, 2012, 04:02:21 PM
walaal waan idin salaamay salaan ka diba suaasha aan qabo walaa hooyo neef qabta ma u gudbinkar taa
ilmaha ay dhasho maxaasa nefta iyo burukii tada la gu daween ka raa
Title: Re: Su'aal: Neefta?
Post by: Dr.Adnan on April 04, 2012, 01:42:41 AM
Neefta iyada oo faahfaahsan ka akhriso halkan....http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)

Marka hore inta aadan ku sheegin qofku inuu neef qabo, Waxa jira xanuuno farabadan oo sawaabiya ama u eg Neefta gaar ahaan dadka waawayn, Sidaa aawadeed mar walba waxaad u baahantahay inaad la xidhiidhto dhaqtar si uu kuugu xaqiijiyo in cabashadu tahay mid la xidhiidha Neef amasa Xanuun kale.

Neeftu maaha cudur faafa oo lagu kala qaado marinada Hawada amaba dhiiga iyo dareerayaasha Jidhka (Bodily Fluids) , Qofka neefta qabaa ma qaadsiin karo dadka ku xeeran xanuunkan marnaba.

Dhinaca caruurta iyo u gudbinta ubadaka, Aragtiyo farabadan ayaa jira. Si Neeftu kuugu dhacdo waxa aad u baahantahay in dhawr arrimood isku kaa haleelaan (Multi-factorial), Waxa u horeeya degaanka iyo Koriinka (Environmental) , Hidde in qofku u leeyahay (Genetics), IWM. Dhinaca Hiddaha aragtiyo badan oo aan caddeyn adag loo hayn ayaa odhanaya, Dhinaca hooyada in laga qaadi karaa. Laakiin sida Caamka ah ma Jiraan Hiddo-sidayaal u gaar ah oo loo aqoonsaday in la iskugu gudbiyo Neefta, Xaddiga ama tirada isu gudbisaana waa mid aad u yar.