Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdinaasir on April 01, 2012, 06:21:41 PM
-
ACS WALAL WAXA LEQABAA 9 SANO ILAAHDA MAISKU DHALIN NINKEY DHAQTAR AYAA WAXAA IDHAHAY UGUMAHAAGA WAA
TACIIF MAQADIKARTID UR DHIIGA AYAA SIDHIBA KAGA YIMAADO MAXEYTAHAY WALAL WAXAAS
-
Waxaan u fahmay in uu ka wado in ukumahaaga aysan awood u lahayn in ay kobcaan oo ay awood u yeeshaan in la bacrimi karo si aad uur u qaadid, waxaana keeno dhowr waxyaalood oo qaarkood la daaweyn karo ee waxaan ku waydiiyay takhtarka ma baaritaano ayuu kugu sameeyay oo ay ka mid yihiin in uu fiiryay heerarka hormoonnadaada iyo daawooyin lagu siiyay oo wax kaa tari waayay mise?
-
haaaaaa waa igafiirsheen hormoonka laakin waxoo isiiyay kaniin hada magaciisa ma xasuusti laakin waxoo idhahay iska cun inookucawiyo laka yabaa kaniikasna maba cunin aniga maxaa yelay waa kaniinka caada keeno sanad cun idhahay maba iqorin mid iikobciyo ukumaha maxaan sameyaa hada walaal majiraa mid kobciyo ukumaha walal icaawi inilaah ha kucaawiyo aniga ma aqaan waxan sameyo ilaah ayaan kasugaa waxoo iqoro insha alaah mahad sanid
-
Waxaad la xiriirta takhtar ku taqasusay cudurada haweenka si aad ugala tashatid xanuunkaaga maadaama aanan sheegi karin baritaanka lagugu sameeyay waxa uu sheegay iyo xanuunkaaga noociisa iyo heerka uu gaarsiisan yahay.
Daawada laguu qorayne ma xasuusan kartid, mana aadan qaadan sida aad sheegtay.
Fadlan raadi takhtar aqoon u leh xanuunada haweenka.
-
waakan kaniinka magaciisa isooqoray 3+28 filmdragerade tabletter [ NOVOFEM ] 3+28 [ 16 GAUUD IYO CAD 12 ] WAKAAS MAGACAAN AYULEYAHAY EE MATAQAN ADIGA ANIGA MABA CUNO MATAMA AAN ISDHAHAY WAXBA MASOO SIYADINAYO ANIGA NIYATEYDA WAAYE DR. MEESHAAN TAQTAR FIICAN MAJOGAAN MAALIN WALIBANA WEXEY KUDHAHAYAN WAX UMAJEDNO OONA WAXAS AHEEN UKUMAHA TACIIFKA AH EE CUN KANIINKAS MARKA ISOO SHEEG MAXAAN SAMEEYA ANIGA MESHAN WANKU CUSUBAHAY MANA FAHMAYI AFKODA WALAAHI WANA TALAY DR. HADII AAN RUNATA KUSHEEGO DR. RAYI ISII MATAMA DR. SOMALITAHAY MAASHA ALAAH. ISKUAFNAHAY ILAAH QEER ANA DHAMAAD LAHEEN ALAHA KUSIIYO AAAMIIN ILAAHNA HAKU CAAWIYO SAAD NOCAAWISAY HADII AAN NAHAY SOMALI JKZJ. WCS
-
ASCWRWB MAXAA KUGUDHACAY JAWAAB AYAAN KASUGAA BY
-
Daawada NOVOFEM, waa daawo ka samaysan hormoonka istarajiinka oo la siiyo haweenka uu ku yaryahay sida kuwa dhalmodeyska ah, laakiin waxaan ku wydiin lahaa laba su'aalood oo kala ah: cudurka uu takhtarka kugu sheegay muxuu yahay? baaritaanada uu sameeyay noocyadooda iyo jawaabaha ka soo baxay?
Iyadoo labadaas su'aalood laga soo jawaabin waa dhib in la sheego xanuunkaaga iyo sababta laguugu qoray daawadaan taasi darteed ayaan kugu dhahay, fadlan la xiriir tkahtar haweenka ku taqasusay oo kale haddii aadan ku kalsooneyn takhtarkaan? anaga howsheennu waa wacyi galin iyo wixii faahfaahin dheeraad ah in aan ku siinno ee baaritaan ma dirno qofna ma daaweyno.
Mahadsanid
-
asc DR. ANIGA MAALINTAAS WAX CUDURAH IGAMASHEEGIN WAXEY IDHAHEEN UKUMAHGA DHIIGA AYAA DACIIFAH MARKA HADII CUDURNA IGUMA SHEEGIN WALAAL DR. DAWADAAS MAXEYTAHAY MA AQOONSATAY ADIGOO RAALIYA MAXAA LADHAHAA ERAYGAAN ADOORALIYA [ haweenka uu ku yaryahay sida kuwa dhalmodeyska ah, ] WAXEY IGUDHAHEEN CUN DAWAAAS ANIGA KACOD SADAY KALIYA LAAKIN WAXEY IGUDHAHEEN WAX MAKUQABAN KARNO MAFAHANTAY WAA INTAAS WALAAL
-
Daawada sida aan kor ku sheegayba waa daawo hormoon oo la siiyo haweenka uu ku yaryahay hormoonka naagaha ee loo yaqaano istarojiinka.
Dhibaatadaada caafimaad sida aan kugula taliyayba fadlan la xiriir tkahtar kale oo baaritaano kugu sameeyo, waxa ku haayane safiican kuugu sharxi karo.