Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cumaryare43 on April 02, 2012, 10:21:04 AM
-
waxaan u mahad celinaa marka hore webka kadib waxaan sameeyaa jiim (gym) waxa jira daawoyin loo cuno ma wax dhibaata ah ayee ii geysan karaan maxaa u roon murqaha si natural ah maxaa iigula talee
-
Daawo sideedaba waa sun aan laga maarmin, in ay dan kugu qasabto oo xanuun aad u qaadato maahinee si kale looguma dagdago.
Khaas ahaan daawooyinka jirka lagu caateeyo, kuwa murqaha lagu soo bixiyo, kuwa tiro badan oo maalin walba aad maqlayso oo la xayaysiinayo oo la leeyahay jirka ayay wax ka badalayaan, kuwaasi maahan kuwa kuu roon maxaa yeelay jirka qaab shaqayntiisa ayay wax ka badalaan.
Ka fogow daawooyinkaas, cun cunno isku dheelli tiran, jimicsigane ku dadaal.