Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdulahi on April 06, 2012, 12:41:12 PM

Title: Su'aal: Low Diastolic Blood Pressure?
Post by: Cabdulahi on April 06, 2012, 12:41:12 PM
asc waan idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh  salan kadib walal blood plessure ayaa ah mar aan saaka is cabiray  120 over 60 marka  bal iiga warama dr aan waydiiyey waxuu idhahay waa caadi  war bixino aan aqriyeyna   caadi mahan oo KAHOOSE 80 ayaa normal ayaa ku qoran marka iga caawiya  maxaan se kor oogu qaadi karaa exercise gaar ah oo kor loogu qaadi karo miyaa jira ? tan kale qufac aana horay ulahayn ayan isku arkey markaan aad u qufaco can dhifta dhiig yar aya soo racaya  raajo aaan iska qaadey waa normal  waxaanse qabaa gastro  taasi masababi kartaa aad ayad u mahadsan thin  wabilaahi towfiiiq  walaalayaal asc
Title: Re: Su'aal: Low Diastolic Blood Pressure?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 08:15:46 PM
Akhriska hoose ee cadaadiska dhiigga haduu yahay 60 wuxuu noqon karaa mid dabiici ah mid xanuun uu keenay, badanaa dadka da'da ah iyo haweenka uurka leh wuu hooseeyaa akhriska hoose ee cadaadiska dhiigga.

Dadka qaarne iyagoo da' ahayn ama uur lahayn ayuu hooseyn karaa iyagoo wax dhibaato ah aysan qabin.
Tusaale ahaan qof ka sheeganayo xanuun wadnaha ah oo diastolic pressure-kiisa uu hooseeyo waa in il taxadr leh lagu fiiriyaa maadaama calaamad xanuun uu noqon karo ama in howlgab wadne uu ku soo socdo, laakiin qofka isagoo caafimaad qabo oo wax dhib ah uusan lahayn ayuu hoos u dhici karaa.

Midda kale oo muhiimka ah waa in cadaadiska labo ilaa sadax jeer iska cabirtaa si loo dhaho akhriska dhib ayaa ka jiro, midda kale haduu qofka uu howl hayay ama socod uu ku yimid 15 daqiiqo ka dib ayaa la cabiraa oo waa in loo nastaa, midda kale waa in aad isticmaashaa labo mashiin oo kala duwan maadaama akhriska uu kala duwanaan karo, midka kale oo la sameeyo waxaa ka mid ah in labada gacmood la cabiro oo la isku fiiryo.

Waxaa intaas dhan kuugu sheegayaa hal mar oo cabirto cadaadiskaaga, akhriskii ka soo baxo in aadan waxne ku dhisin.
Title: Re: Su'aal: Low Diastolic Blood Pressure?
Post by: Cabdulahi on April 06, 2012, 10:29:50 PM
asc  aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay walal dr  waad kumahadsan tahay walal jawaabta fiican eed isiisay walal qeer alle hakuugu badalo walal mida kale exercise  hadan sameeyo caadigiisa kusoo celin hayao miyaa jira  mise exercise hoos ayuu  usii dhigayaaa?  mahadsanidin asc
Title: Re: Su'aal: Low Diastolic Blood Pressure?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 12:43:46 PM
Jimicsiga cadaadiska dhiigga ayuu hoos u dhigaa.