Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wahiib143 on April 24, 2012, 01:22:57 PM
-
ASC waan idin salaamey bahda somali doc
doctor maanta waxaan ku waydiin lahaa daawooyinka faraha badan ma suneynkaraan dhiiga ?
wax shaybaadh ah ma lagu sameynkaraa sunowga dhiiga ee ay dawadu keento ?
wax astaamo ah ma leeyahay sunowga dhiiga ee dawadu keento .
daawooyin lagu nadiifiyo dhiiga ma jiraan ...
-
Daawo kasta markii la qaadanayo qadar loogu tala galay ayaa jiro iyadoo laga fiirinayo dhinacyo badan sida meeqaa jirka uu ka dhuugaa daawadaan, meeqo ayaa dhiigga dhex socoto, meeqo ayaa howshii laga rabay qabanayso, imisa ayay jirka ku jirtaa, qaabkee ayaa jirka looga saaraa, ma kilyaha ayaa soo saaro mise dhididka ayaa lagu saaraa ama siyaabo kalaba. - Haddii qadarka daawada ay qaldanto qofka wuu ku sumoobayaa, waana la cabbiri karaa daawo walbo inta concentrationkeeda jirka uu gaarsiisan yahay, daawooyinkane way kala qatarsan yihiin, kuwo ayaa si dhakhso ah loogu sumoobaa oo waxyeelladooda horay ka soo muuqdo, kuwana way soo daahaan.
Midda kale haddii daawooyin badan laguu qoro, takhtarka kuu qorayo wuu ka fakarayaa in daawooyinkaan la isku qaadan karo, tusaalo haddii daawooyinka aad qaadanayso ay waxyeelayn kilyaha ku leeyihiin in la isku daro maahan labo daawo oo isku waxyeeloo ah maxaayeelay dhibaatadii way labalaabmaysaa.
Midda kale daawooyinka qaar way isi saameeyaan, qaar shaqada daawada kale way yaraysaa, qaarne way badisaa haddii la isla qaato, marka daawada la isla qaadanayo meelo badan ayaa laga fiiriyaa.
Fadlan, daawo aan laguu qorin ha qaadanin, takhtarkaaga kala tasho wixii shaki kaa galo.