Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bardacad33 on May 07, 2012, 06:33:05 PM

Title: Su'aal: TB-da sidee loo kala qaadaa?
Post by: Bardacad33 on May 07, 2012, 06:33:05 PM
walaa wan idin salaamay dhaman dhaqaatiirta salaan ka dib aad ayaa u mahad santihii sida aad bulshada ugu shaqaysaa
mahad ka dib aan u gudbo suaashay da walaa tibida sidelokala qaada ma laga qaadika raa qofqab oo dawada usocoto
haduu qofka kale lasexdo isagoo qaba tibida qaatana dawadii marka fadlan ii so faah faahiya mahad sanidiin
Title: Re: Su'aal: TB-da sidee loo kala qaadaa?
Post by: Koow on May 11, 2012, 03:05:47 PM
ASC,
Walaal suáashaada ah sidee TBda loo kala haddii aan isku dayoin aan kaaga jawaabo waxan dhihi lahaa sidan:
Walaal TBda waa laba qeybood oo kal ah: Mid furan sida tan sambabada ku dhacda iyo tan kale oo xubnaha jirka intiisa kale ku dhacda.
Labada isku jeermi ayaa keena balse xubinta ay asiibto ayay ku xiran gudbinteeda.

Haddii ay asiibto sambabada si sahala ayay u gudubtaa ama loo kala qaada taasoo uu jeermiga ama bacrteeriyada marka uu qofka qufaco hawada raacda saasna ugu gudubta qofka kale ee ka ag dhow qofkaas xanuunka qaba,weliba waxa dhacda in qofka  aan xanuunsanayn oo jirkiisa ama difaaciisa uu xoogan yahay uu ku gambado jeermiga sambabkiisa uuna noqdo qof sida jeermiga uusana xanuun iyo calaamado midna  lahayn balse marki uu qofkaas difaaca jirkiisa hoos u dhaco uu soo if baxo xanuunka.

Qofka marki uu iskaga shakiyo ama la xaqiijiyo in uu xanunkaas hayo waxa fiican in marka uu qufacayo maro afka saarto maaskaro sanka loogu xiro si uuna u gudbin weliba daaweynta labada bilood oo ugu horeysa ayaa muhiim ah.

Tan ku dhacda xubnaha kale ee jirka walaal ayada qofka ayay ku koobnaataa calaamadeehadana wey ka gedisan yihiin calaamahada lagu garto tan xubinta sambabka ku dhacda.

Waxa kale oo aan ku talin lahaa ama asluub fiican ah in qofkasta  marki uu qufacayo maro ama gacantiisa afka saarto si khatarta eey u yaraato markasta.

Mhadsanid.
Koow.
 
Title: Re: Su'aal: TB-da sidee loo kala qaadaa?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 04:34:46 PM
TB-da haddii ay tahay mid furan, daawadane uu qofka uu qaadanayay labada bil ee ugu horreyso, wuu gudbin karaa.
Haddii daawada uu u gudbay heerka labaad oo afarta bilood ah, candhuuftiina la baaray oo ay negative soo sheegtay ma gudbinayo.