Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdikani on May 10, 2012, 06:38:46 PM

Title: Su'aal: Shoulder and neck pain?
Post by: Abdikani on May 10, 2012, 06:38:46 PM
marka hore Allaa mahad leh, marka xigta waxaan u mahad celinaayaa dhaqaatiirka sharafta leh hadaan u gudbo su'ashayda maxaa keena shoulder and neck pain siden isaga ilaaliyaa maxaa dawo u ah mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Shoulder and neck pain?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 04:32:13 PM
Xanuun garbaha ama qoorta ah waxay noqon karaan kuwa la xiriira, murqaha, lafaha, neerfaha ama nafsiyad ahaan sida diiqada.
Cudurrada keenana waxay noqon karaan mid ka mid ah kuwaas aan soo sheegay, haddii jug ay tahay waxay dhaawici kartaa lafta ama muruqa ama neerfaha.
Haddii muruq kaliya tahay waxaa keeni karo cudurrada ku dhaco murqaha amaba muruq ku galay adigoo si qaab daran u jiifsatid.
Haddii lafo tahay waxaa keeni karo cudurrada lafaha ku dhaca, fitamiinada iyo macdanta qaar ka mid ah oo jirka ku yaraato sida fitamiin D iyo Kalsiyam.
Marka cudurrada keeno xanuunka garbaha ama qoorta wax halkaan lagu soo koobi karo maahan ee haddii aad xanuun dareemayso la xiriir takhtar si laguu daaweeyo.