Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AbuJaasum on May 23, 2012, 06:39:54 PM
-
Asc dhaqtar, sln kadib waxan jecleestay in aad iga jaahil bixiso, dadka lugaha ama gacmaha ka'dhidido. Dadkaas iyaga eh ayaa dhidid faro badan ayaa ka imaado. marka maxa keeni karo dhididka faraha badan? Daawo maleeyahay.
-
Waxa ugu badan oo kiciya waa diiqada, welwelka, dhaxdinta, fakarka iyo wixii niyadda kiciyaba.
Dhididka noocaan maahan cudur waa dhaxal waxaana ku bilawdaa yaraanta.
Dhididka badan ee caadiga ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis", haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".
Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.
Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.
Hababka daaweeynta dhidhidka xad dhaafka ah waxaa ka mid ah daawooyin dhidhidka yareeyo oo loo yaqaanno "antiperspirants" ama qalliin lagu joojiyo dhidhidka.
Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga.
-
Dhakhtar, cuntooyinka qaarkood, ma laga yaabaa in ay keenaan dhididka jirka guud ahaan, gaar ahaan gacmaha iyo cagaha?
Sidoo kale, cuntooyin lagu yareeyo dhididka ma la sheegay? (Dhakhtarada qaarkood waxa ay bukaanada qaar ka mid ah kula taliyaan 'cun cunto Nafaqo leh' meeshii ay daawo u qori lahaayeen).
-
Cunno si toos ah u yareyso dhididka badan ma garanayo laakiin haddii cuntada kulushahay ama ay ku jirto maaddo kicinayso dareenka ama wadnaha ka shaqaysiinayo way badinaysaa dhidid soo saarista.
Midda kale talada ah cunista cunno nafaqo leh, waa talo guud oo qof walba la siiyo maadaama cudurrada badanaa ay ka dhashaan cillad xagga nafaqada ah, iyo taasoo ah tallaabada ugu horreyso ee ka hortagga cudurrada.