Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qays on May 26, 2012, 07:57:01 PM

Title: Su'aal: Gabar nabar ka gaaray minka?
Post by: Qays on May 26, 2012, 07:57:01 PM
asc dhamaan waan idin salaamaya dhamaan dhakhaatira somaliyed,wll waxaa jirta gabar ilaa 19 jir ah taaso iyadoo yar nabar uga dhacay dhabarka
mudo ka dibna waxaa lagu sheegay inoo nabar ka soo gaaray ILMO galeenka ama uterus sidaa darteed malaga yaaba in ay inantaa ku weydo ilmo ay dhali lahayd dhaawacaa soo gaaray hadii uu uteruska nabar ama rubture sameeyo mala daaween karaa oo xal ma loo heli karaa. mahad sanidiin...
Title: Re: Su'aal: Gabar nabar ka gaaray minka?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 07:19:30 PM
Minka waa xubin eebe aad u xifdiyay, haween aan uur lahayn wax sahlan maahan in dhaawac si fudud ku gaaro minka, badanaa daawaca minka gaaro waa marka uurka ay haweyntu leedahay.

Marka jug dhabarka gaartay iyadoo aan uur lahayn lama hubo in dhaawac minka gaaray illaa baraitaan ultrasound lagu sameeyo, kadibna la ogaado dhaawaca nooca uu yahay.

Markaas ayaa laga jawaabi karaa haddii ay uur qaadi karto iyo in kale.
Title: Re: Su'aal: Gabar nabar ka gaaray minka?
Post by: Qays on June 08, 2012, 09:02:05 PM
asc bacda salaan dabcan haa waa la saaray computerka waxaana loo sheegay inoo nabar yar ka gaaray ilmo galeenka intaa ka dib waxaa loo quray daawooyin soconaya 3 bilood intaa ka dib waxa uu ku yiri igo soo war celi 3 bilood oo kale ka dib. waxaana hubaal ah inay gabadho heesto wali ay xanuunkii dareemeeso, marka hada maxaa talo iyo tusaaleen ah mise daawo wax tar ah iyo xal caafimaad. mahad sanidiin.
Title: Re: Su'aal: Gabar nabar ka gaaray minka?
Post by: SomaliDoc on August 24, 2012, 07:59:06 PM
Si xanuunka gabadha hayo loo fahmo iyo xal caafimaadba waa in la ogaadaa dhaawaca aad sheegtay nooca uu yahay, heerka uu gaarsiisan yahay, halkee iyo sidee ayuu dhaawaca u gaaray minka.

Daawada aad tilmaantay oo ay qaadanaysay muddada sadaxda biloodne maxay ahayd?