Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on June 09, 2012, 10:45:42 AM

Title: Su'aal: Ilmaha uurka ku jira?
Post by: Nuur12 on June 09, 2012, 10:45:42 AM
waxaan u mahad celinayaa dhaqaatirta sharafta mudan intaa ka dib ilmaha uurka ku jira faa iido ama dhib ma u leeyihiin biyaha ama shahwada hooyada ama aabaha mase gaadha yaan biyuu ilmaha uurka ku jira wax difaaca ma ka helayaa shaa wooyinkaa ka la duwan marka se ay hooyadu dawo cunto wax ma ka anfacayaan biyahaasi jawaab deg dega
Title: Re: Su'aal: Ilmaha uurka ku jira?
Post by: Dr.Adnan on June 13, 2012, 01:45:15 PM
Ilmaha uurka ku jira, Waxa ku daboolan Dahaadh amase Xuub u diida walxaha ka soo gala Farjiga hooyada inay gaadhaan, Sidaa aawadeed Biyaha Aabaha amase kuwan Hooyadu Gaadhi maayaan.

Dareerayaasha Taranka (Kuwa Aabaha iyo Kuwa hooyaduba) waa Qaar ah "Sterile" (Nadiif).

Waxase Muhiim ah in Marka Hooyada Uurka leh gasho wixii ka danbeeya bisha 7aad la Joojiyo amase la yareeyo Galmada waayo Jugtaasi ayaa keeni karta xuubkaasi ku dahaadhan ilmaha oo Faruurma amase Dilaac ku dhaco taas oo sababaysa waxa loo yaqaan "Premature rupture of membrane and premature labor" (Dhalmada oo xiligeedii ka soo hormarta dilaaca xuubkaasi aawadeed) Arrintana waxa la xidhiidhi kara Hadimooyin caafimaad oo ku dhaca Ilmaha.

lagulama Taliyo in hooyado uurka lihi dawooyin aan dhakhtar u qorin ay qaadato sababta oo ah dhaawac ayay u gaysan karaan Ilmaha.