Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muhaa on June 13, 2012, 07:54:36 AM
-
asc waxa halkan ka salamaya dhaqatiirta sharafta leh ee sida wanagsan bulshada somaliyed si hufan ugu jawabo iyo dhaman bahda somalidoc.com salan ka dib waxan jeclaan lahaa in dhaqatirta 2 su al iga jahil bixiyaan. Taaso oo ah waxan ahay qof wax aqriska jecel inta badan malintii halbuuk 12 bal camal ka kooban ayaa aqriyaa. waxana maqlay in indhaxunuun laga qadaa? Qofkii sanoyin badan wax aqriyo teeda kale mustaqbalka dhib ma ii keni karta oo xaga indhaha ah su asha 2aad waxe tahay waxan aad u jeclahay isticmalka internetka .inta badan waxan qadka ka isticmalaa mobile ., marar dhif ah aya computer ka isticmalaa.marka HADII MOBILE LAGU ISTICMAALO QOL MUGDI AH. INDHAHA DHIBAATO MA U KEYSAN KARTAA . Asc walalayal jwb wacan aya idinka rajeynaa
-
walalayaal isbuuc iyo ka badan ayaa jawab iidinka sugeey maxa jawaab maleh mesha aaway dhaqatiirtii ? Walaalyal jwb ayaa idinka sugaa
-
Haddii sida saxda aad wax u akhriso wax dhibaato ah indhaha uma keenaan sida in aad iftiin fiican aad heysato, buugga uusan aad indhahaaga ugu dhawayn ama ka fogeyn, in farta buuga ku qoran aysan aad u yaryarayn, waxyaabo waxaa jira loogu tala galay akhriska saxda ah si indhahaaga aad u badbaadisid, laakiin sida aad hadda ka dhawaajisay oo ah in aad mobeelka aad wax ka akhriso, qol mugdi ahne aad ku jirto ma ahan mid indhaha u roon.
Mida kale haddii aad computer ka akhrinayso xitaa waa in aad ogaataa in iftiinka kumbuyuutarka ka soo baxa oo in muddo ah kugu dhaca ma fiicna caafimaad ahaan oo waxay dhibi kraan isha, sidaa darteed waa in aadan in badan indhaha aadan ku taagin kombuyuurtarka oo 10-kii daqiiqaba aad meel kale fiirisaa, mideeda kale waa in aad shaashadda kumbuyuutarka ku xirtaa "Screen Filter" oo loogu tala galay in iftiinka isha dhibsanayso uu yareeyo.
Haddii aad indhaha sidaas aadan u ilaalin waxaa ku dhacaya cudur uu keeno kumbuyuutarka oo loo yaqaanno "Computer Vision Syndrome"
Waxaa calaamadaha cudurkaan ka mid ah: madax-xanuun, arag cawaran, qoor xanuun, indho gaduudasho, daal iyo wareer, indho-daal, indho-qalleel, indho-cuncun, weershe iyo in aadan si toos ah meel u fiiri karin.