Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on July 01, 2012, 04:09:13 PM
-
as dhamaan umada soomaliyeed meel walba aad dunida ka joogtaan bacda salaan waxaan aad u salamayaa dhaqatarada soomaliyeed oo habeen iyo malain u taagan inay noo jawaabaan ilaheey ajar ha ka siiyo aniga oo warka badin suaal baan rabaa in la iga soo jawaabo waxaa dhacday in laba jeer igu dhacday arintaan habeenkii markaan seexdo anoo hurdo fiican ku jiro baan hal mar soo booday anoo naxsan oo wadanaha i garaacmaayo marana garan waxa igu dhacay markaa maxay noqon kartaa dhaqataroow cabaar baan neef tuuraya aoo wadnaha i garacmayaa markaas baan quraan akhristaa ka dib waan degaa markaa wa amarkii labaad bal isoo sheeg waxa ay noqon karto
mahadsanid :-*
-
Qofka oo hurdada ka soo naxo waxaa keeni karo dhowr waxyaabood, qaarkood waxay calaamad u noqon karaan cudurka qofka uu qabo ha isku ogaado ama yuusan isku ogaanin.
Cudurrada la xiriira dhibaatadaan waxaa ka mid ah:
1- In qofka uu qabo sidiisaba cudur cillad argagax, halkaan ka akhriso waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html)
2- In cillada wadnaha ay jirto sida wadna qabad, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html)
3- In qofka uu qabo waxa loo yaqaano Naqas ku dhegga hurdada ama "Sleep apnea".
Neef joogsiga hurdadu (sleep apnea) waa marka neefsashadu joogsato marmarka qaarkood marka la hurdo. Wakhtiga neefsashadu joogsato waxa uu dhexeyn kara dhawr ilbiriqsi ilaa wax ka badan hal daqiiqad. Inta lagu jiro wakhtiga. jirka ma helayo oksajiin ku fila. Neef joogsiga hurdadu waxa uu dhici karaa marar badan habeen kasta. U tag haddii aad dareento khuuro dheer ama neersasho la'aan marka aad huridid. Calaamadaha kale ee lagu garto waxaa ka mid noqon kara maalintii oo hurdo ku qabato aiyo adiga oo wali daalan marka aad toostid subixii.
4- Cudurka welwelka ama diiqada, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html)
5- Cudurka gaas calooleedka wuxuu leeyahay isagane in hurdada laga soo dhaxo.
Marka si loo ogaado, dhibaatadaada hurdo dhixista waxaad noo sheegta haddii ay jirana cudurrada aan kor ku soo xusay ama mid kalba, haddii aad takhtar horay ula xiriirtay baarisne kugu sameeyay si loo ogaado cillada waxa ay tahay.