Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on August 24, 2012, 01:34:37 PM

Title: Su'aal: About water?
Post by: Nuur12 on August 24, 2012, 01:34:37 PM
salaan sare ka dib waxaan ka cudur daaranayaa suaasha aan qabo hadii hore laydiin so waydiiyay oo aad ka jawabten ii soo ani waayay e iiga jawaaba marlabaad qofka oo biyo badan oo aan naftiisu rabin caba maxay ugaysankaran maxaase u dhaxeeya biyaha safaysan ee la mooriyay ee bila ironka ah iyo kuwa ceelasha waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: About water?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 12:36:00 PM
Biyaha la sifeeyay oo laga saaray macdanta waxaa loo yaqaannaa magacyo badan sida "Distilled water" or "Deionized water" or "Deminiralized water".

WHO Baaritaan ay ku sameeyay biyaha noocaan ah sanadkii 1980, waxay ku ogaatay in cabitaanka biyahaa ay keenaan kaadi badan iyagoo jirka ka saar macaadinta uu u baahanyahay sida bootaasium.

Macaadinta kale oo jirka sida magnesium, calcium iyo kuwa kalaba waxay nafqo ku yihiin jirka.

IYaddoo dhibaatadaas ay jirto iyo kuwo la mid ah waxaa la hubiyaya in biyaha noocaan ah ay caafimaad darro u keenaan laguna badali karin booska biyaha caadiga ah.

Su'aasha kale oo ah haddii aan cabo biyo badan dhibaato ma ii keensanaysaa, haddii cabitaanka biyaha aad waalli ku qabtid oo jirro ah sida cudurka loo yaqaanno "Psychogenic Polydyspsia" oo qofku iska cabayo biyaha hadduu u baahanyahay iyo haddii kalba tanoo ah xanuun dhimir, waxay saameyn caafimad darro ku leedahay qaab wadashqaynta jirka qaybihiisa kala duwan.

Laakiin sida kale cabidda biyaha waxay leedahay faaido badan oo la soo koobi karin, waana in qofka uu cabaa ugu yaraan maalintii 8 glass oo biyo ah, hadduu u baahan yahay iyo haddii uusan u baahnaynba.