Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamed20132013 on December 17, 2012, 11:58:18 PM

Title: Su'aal: Labada xininyood farqi ma u dhexeeyaa xaga dhalmada?
Post by: Maxamed20132013 on December 17, 2012, 11:58:18 PM
A/c
waa salamay bahda somalidoc.com salaan ka dib, walaal waxaan qabaa suáal ah labada xiinyood ee raga farqiyi ma u dhexeeya xaga dhalmada. xiniin baa wax iga geeren mudo 12 sano ahna reer baan leeyahay caruura ma hayo.

Mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Labada xininyood farqi ma u dhexeeyaa xaga dhalmada?
Post by: Maxamed20132013 on February 27, 2013, 11:20:57 PM
Waan idin salamaya bahda somalidoc markale su;aashan oo mar hore idin waydiyeey jawaab ma igu hesheen?
Title: Re: Su'aal: Labada xininyood farqi ma u dhexeeyaa xaga dhalmada?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2013, 03:06:17 PM
Labada xiniin waxay muhiim u yihiin xagga dhalmada, haddii mid jirato mida kale inay jiratane waa suura gal, hadii cillad kale jirto oo xaniin aan ahayne way keeni kartaa dhalmo la'aan ee la xiriir takhtar si loo baaro sababta keentay iyo in xaniinyaha aysan shaqaynaynin labadaba.