Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on February 04, 2013, 06:14:15 PM

Title: Su'aal: Daawada taramadol?
Post by: Barkhat on February 04, 2013, 06:14:15 PM
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan dhakhtarada iyo akhristayaasha webkan ku taxan.
bacda salaan walal dhakhtarada waxaan waydiin lahaa dawada taramadol qofka wakhti badan isticmaala maxay ku keenikartaa oo dhibaato ah?.

waad mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal: Daawada taramadol?
Post by: SomaliDoc on March 16, 2013, 07:53:46 PM
daawada tramadol, haddii la qaato muddo dheer ama laga qaato in ka badan intii qofka loogu tala galay wuu la qabsanayaa jirkiisa wuxuuna gaarayaa heer uu ku walfo, haddii qofka uu waayo ama laga joojiyo way qabanaysaa qofka waxaana lagu arkaa inay diiqo ku dhacdo, dhidid badan, jarayn jirka ah, tabardarri ama mararka qaar inuu qofka qalalo.

qofka wuxuu isku dayayaa intii karaankiisa ah inuu raadiyo daawadaas uu qabatimay, sidaa darteed waxaa takhaatiirta lagula taliyaa in muddo gaaban iyo dose-kii loogu talagalay inay uga qoraan qofka u baahan si looga fogaado calaamadaas.

Faahfaahin ku saabsan daawooyinka la qabatimo ama daroogo ahaanta loo isticmaalo, kowne ka yahay "Tramadol"-ka ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8291.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8291.0.html)