Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on February 05, 2013, 09:57:20 PM

Title: Su'aal ku saabsan dhaqdhaqaaqa uurjiifka
Post by: Barkhat on February 05, 2013, 09:57:20 PM
asc bacsa salaan walal waxaan idiinka mahad celinayaa sida hufan ee haboon ee mutadawacnimada ah ee aad noogu adeegtaan hadaanu nahay bulshada soomaaliyeed, intaa ka bacdi walal waxaan doonayaa in aad iga jaahil bixisaan su'aashaydan oo ah wakhti intee leeg buu uurjiifku dhaqdhaqaaq ku samaynkaraa -yacni uurjiifku xilima ayay hooyadu dareemikartaa in cunugeedu xarakaad samaynayo ama dhaqdhaqaaq laga dareemi karaa-?.

waad mahadsan tihiin walal.
Title: Re: Su'aal ku saabsan dhaqdhaqaaqa uurjiifka
Post by: SomaliDoc on March 16, 2013, 07:35:18 PM
Hooyada horay u soo dhashay caruur, taqaannane dhaqdhaqaaqa uurjiifka waxay ku dareentaa inta u dhaxaysa 15 illaa 17 usbuuc.
Haweenta aanan weli dhalin oo ugubta ah waxay dareentaa laga bilaabo usbuuca 18-aad illaa inta u dhaxayso usbuuca 20-aad.

Dhaqdhaqaaqa wuxuu bilawdaa inta u dhaxayso usbuuca 13-aad illaa usbuuca 16-aad, wayna jiraan hooyooyin dareemo, usbuuca 14-aad waxii ka bilawdo.