Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CMD on February 07, 2013, 10:57:58 PM
-
Asc,
Dhaqaatiirteena Sharafta Leh Oo Uu Ugu Horeeyo Dr- Mahdi Wan Idiin Salaamy Salaan Ka Dib,
Waxaan In Muddo Ahba Isku Arkayey Meelo Ka Mid Ah Jirkeyga Sida, Shaqfasha Midig Hoosteeda, Iyo Shaqfasha Bidixba Dhexdeeda Wax Aad Moodo Buro Oo Gaaraya bidix labo midig hal , Cabir Ahana La'eg Muraha Liinta Taabashadeedana An Xanun Igu Hayn Balse Adag, Marka Maxeey Dhibaato Igu Yeelan Karaan ? Maxeyse Yihiin Nabrahaas? Maxana Sameeyaa? Iyadoo Qoor Xanuun Dhabar xanun Iyo Waxasna Eey Iskeey Hayaan Marar Badana Malaariyo Leyga Shegay Iyo typhod? Please Bal Sharaxad Iga Siiya Insh'alah.
Jazaakumullahu Kheyral Jazaa
Allah Mahad Iska Leh.
-
Walaal la xiriir takhtar takhtar guud, si laguu wiisteeyo loona eego nabarada aad sheegeyso waxa ay yihiin? ma qanjiraddii kilkilaha ku jiray oo soo barary miyaa mise waa wax kale...
Haddii qanjirada ay yihiin, waxay calaamad u noqon karaan calaamad infakshan ama cudur dhiig, labadabane in lab aaro ayay u baahan tahay.