Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaafiyo on March 30, 2013, 11:20:57 PM
-
Asc wr wr Allah AYAA mahad usugnaatay dhamanteed sidoo kale dhaman dhaqaatiirtana waa mahadsantihiin walaal waxaan rabaa inaan waxkabilaaba ogaado waxa uu yahay shiirku AMA shuruf qofma say utaqaano Thnkz
-
(http://somalidoc.com/Topics/shuruf.png)
Shiirka ama Shurufka way ku kala duwan yihiin dadka, sida caadiga ah dhididku ma lahan wax ur ah laakiin wuxuu ka dhalan karaa bakteeriyo maqaarka laga helo oo dhididka u badasho aashito, sidaas ayuuna dhididka ur u yeeshaa.
Qanjirrada dhididka soo daayo waxaa loo kala qeybiyaa laba nuuc:
- Nuuc loo yaqaano "Eccrine glands": kuwaan jirka oo idil ayay ku yaallaan, waxayna hooshoodu tahay inay kontaroolaan heerkulka qofka, haddii aad kululaatid waxay soo daayaan dhidid si jirka loo qaboojiyo, dhididkaan ma alahan wax ur ah.
- Nuuc loo yaqaano "Apocrine glands: qanjiradaan waxaa laga helaa meelaha tintu ku taalo ee jirka sida kilkilaha iyo agagaarka cawrada, qanjirradaan waxay shaqo bilaabaan xilliga qaangaarka, waxayna soo daayaan dheecaano loo yaqaano "pheromones".
Waxyaabaha dhididka u yeeli karo urka markii laga reebo bakteeriyada kor aan ku soo xusay waxaa ka mid ah cunnooyinka qaar sida Toonta, Basasha, Basbaaska, Cabitaanka aashitada leh, Kafeegka iyo daawooyinka qaar sida kuwa loo qaato niyadjabka.
Dadka ugu badan ee shiirkoodu xad dhaafka yahay waa kuwa qanjirada "Apcrine glands"-koodu aad u shaqeeyaan ama jirkoodu uu leeyahay bakteeriyada dhididka uriso.
Yuu ku badan shiirka?
Badanaa shiirka am shurufka wuxuu ku badan ragga, maadaam ay badanaa ka dhidid badan yihiin dumarka, wuxuuna ku sii badan yahay dadka cayilan ama qabo cudurka macaanka.
Sidee lagu yarayn karaa shiirka?
- Joogto u qubeyso maalin kasta.
- Isticmaal dhidid yareeyaha "Deodorant"
- Ku dadaal in aad xiirto tinta kilkisha iyo shuunka mar walba.
- Ka fogow cunista cunnooyinka kor ku xusan.
- Hadduu shiirku xad dhaaf yahay, waxaa la duri karaa qanjirrada dhididka ee kilkilaha si loo hawlgabiyo.
Akhriso qoraal aan uga hadlay Dhididka Xad dhaafka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0)
Akhriso qoraal aan uga hadlay Shakkiga iyo urka jidhka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6517.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6517.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)