Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qawdhan on May 25, 2013, 07:56:45 PM
-
dhamman waxan salamayaa dhakhatiirta iyo bulshada kuxidhan website-kan.
waxa jira qof dhiigkar leh oo marku so tooso ama uu jiifsado ee nasasho galo u cabiirka dhiigiisu u kor u kacayo marku socdo ama uu suuqa u baxo ee u so noqdo cabirkii dhiigu waxa u si aad u hooseysa uga hooseeya kii marku toosey tuusaale : haddii markii u toosey u ahaa 150iyo90 marku soc socdo waxa u noqonayaa 130iyo 75. markaas waxan dhakhtiirta weeydiinayaa waxa sabaabayaa hoosu dhacaas. waxa kiiniin ah oo hoos u ridana muucuniin dadiisu waa 47,
xanuuno kale waxa uu leeyahay macaan. markaas waa maxay sabaabtu ?
waxaynu naqanay dadku markay kululaadan ee ay soc socdan in dhiigu kor u yara kaco wax yar
mahad sanidin
-
Cabirka dhiig karka wuxuu u baahan yahay si sax ah in loo qaado dhowr jeerne la qaado si wax loogu dhiso, hadii hal jeer kaliya aad cabirtay kama jawaabi karo su'aashaada, laakiin hadii dhowr jeer si sax ah loo cabiray oo la arkay in markuu qofka socsocdo in dhiigu yaraanayo, markuu jiifsadane uu kacayo, waxaa keeni karo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay wax la yiraahdo dhiig dhaca istaagga keeno ama in dadka sokorta qabo badankood markay jiifaan iyo markay fahdiyaan, markay jiifaan ayay sonkorta badan tahay.
Xanuuno kalane way keeni karaan ee fadlan la xiriir takhtarkaaga.