Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on June 11, 2013, 10:00:40 AM
-
Asc. Salaan ka dib.
Dhakhtar,
Cabsi galinta caruurta ee lagu cabsi galiyo magacyada Bahalo iyo wax la mid ah: si ay u joogaan ama u seexdaan, wax saameyn ah ma ku yeelanayaa caafimaadkooda guud?
Tusaale:-
Dhurwaaga, dad-qalato Iwm oo lagu cabsi galiyo.
-
(http://somalidoc.com/Topics/cabsiin.png)
Dabcan caruurta isku dareen maahan way kala duwan yihiin, meesha ay ku soo koraan iyo daruufta ay ku koraane saamey ayay ku leedahay dareenkooda nafsiyadeed, caafimaad ahaan sax maahan in caruurta laga cabsiiyo weliba looga cabsiiyo waxyaalo aanan jirin sida dad-qalato iyo juudaan wax la mid ah iyo wax jiro sida dhakhtarka.
Waxay ku reebi kartaa dareen cabsi maskaxeed ah oo ka qaldi kara miisaamidda dareenka cabsashada markay yaryihiin waxaana dhici karto in ay la waynaadaan dareenkaas.
Cabsiinta ilmaha markay yaryihiin waxay wax u dhintaa maskaxdooda iyo shakhsiyadooda, caruurtaas way ku adagtahay inuu sheegto waxa uu damacsan yahay ama go'aan ka gaaro arrimaha noloshiisa soo waajaho.
Waxaa dhici karto in uu cabsi ka qaado wax gooni ah oo cuqdad ku reebto oo aysan waligiis ka harin, tusaale ahaan dad ayaa ka cabsada in kaligood ay ku jiraan qol ama meel ciriiri ah, dad ayaa ka cabsado inay fuulaan meelo sarsare amaba diyaarad raacaan, dad ayaa ka cabsado bahallada qaar, dad ayaa ka cabsado dad gooni ah, muuqaa uu leeyahay dartiis ama lagu cabsiin jiray hadda ka hor.
Cilladahaan way siyaadi karaan oo waxay isku badali karaan waxa loo yaqaanno "Cillada Argagaxa" oo waa xaalad halis ah oo qofka in takhtar maskaxeed loo geeyo u baahan si loo jiifiyo isbitaal loona daaweeyo, halkaan ka akhriso waxa cillad argagaxa ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html)
Soomaalida dab badan ayaa caruurtooda ku cabsiiyo wax aanan jirin oo been ah ama wax jira sida dad kale, tani waa dambi laga galayo caruurta, waxaa laga yaabaa in aad rabtid kaliya in cunugaaga uu warkaaga maqlo dartiis in aad saas u yeelaysid, laakiin dhibaatada ay ku reebayso ayaa ka badan waxa aad filayso.
Caruurta waxay cabsiiska u keentaa in ay isku kaadiyeen habeenkii ama fakaraan ama diidaan in ay iskuul aadaan.
Akhriso garaacista caruurta iyo caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6496.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6496.0.html)
Akhriso daawashada filimaanta horror-ka iyo caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4061.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4061.0.html)
Caruurta ilaahay ha looga cabsado.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)