Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on September 25, 2013, 08:49:18 PM

Title: Natiijadii Ka Soo Baxday, Cubidda Qaraha(Xabxabka) Iyo Kiiniinka Cepro
Post by: Abdirizak on September 25, 2013, 08:49:18 PM
Asc, Dhamaan Dhakhaatiirta Cilmigooda Halkaan nooga faa'iidaynaayaa, iyo Dad waynaha ku xiran Webkan,

Marka Hore illaaah ayaa mahad iska leh, isii yay caafimaad, teeda kale hadaan ka hadlo xannuunkii i haan jiray mudo Hal Bil ka hor, maanta waan ka caafimaad qabaa oo illaaahay ayaa taa mahad ku leh,.

Runtii Xannuuunkaygu Wuxuu Ahaa Sidaad kuba Aragteen Qoraa ladaydii Hore, Mid Ku saabsan Tuubadda Kaadi Mareenka,. Aniguna waxaan Moodi jiray inaan qabo Prostate iyo wax yaabo kale, Alxamdu Lillaaah. Lkn taasi maysan ahayn xanuunkaas aan ka shakisanaa.

Qaabkii Illaaahay ii Caafimaadiyaya,.
Waxaan Billaaabay Inaan Cuno Qare (xabxab) iyo Kiniinka Ceprofloxcine 500ml. Mudo Gaaraysa Halbil ah..
Waxaana 15 bari kadib Kaadida soo raacay, Dhagax aad u yar. Balse waxaan dareemay caafimaad wayn illaaa iyo hadda. taasna waxaa mahad ku leh illaaahay,

hada waxaan dareemayaa caafimaad way,. dadkana waxaan kula dardaarmayaa inay badsadaan cabitaanka ama cunista Qaraha (xabxabka)..

                                     waxaan idiin rajaynayaa caafimaad degdeg ah.


Title: Re: Natiijadii Ka Soo Baxday, Cubidda Qaraha(Xabxabka) Iyo Kiiniinka Cepro
Post by: Bahjo on October 03, 2013, 11:05:14 AM
 :D Alxamdulillah

 brother aad ayaa ugu faraxsanahy in Alle caafimdkaaga kuso celiyay. inta xasuusaneedne Alle danbi dhaaf ha kaaga dhigo, Run ahaantii xanuun kasta wa xanuun, hadane kala sii kulul, marka waxa qoralkaaga ka faa,iday oo waxyaaba Alle caafimdka kugu daray ka mid ah Qaraha oo hada ka hor xitaa meshan ka aqriyay faa,iidada caafimd uu leeyahy, marka wa ku mahadsantahy ina mar kale adiga noo sheegtay.

 caafimd weyn ku rajeenaa.....

 dhaqaatiirteena Somaliyeedne wa u mahad celinaa
Title: Re: Natiijadii Ka Soo Baxday, Cubidda Qaraha(Xabxabka) Iyo Kiiniinka Cepro
Post by: Abdirizak on November 06, 2013, 07:11:45 PM
Asc. Salaan ka dib illaahay ayaa mahad iska leh, xanuunkaas ii keenay,hada isga ayaa ku mahadsan inuu iga qaado, waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan dhakhaatiirta sida wanaagsan noogu soo jawaabayay iyo shacabka ku xiran webkan somalidoc.com. waxaan kaloo u mahad celinayaa dadka akhristay dhanbaalkayga oo sida wanaagsan uga faa'iidaystay. iyo kuwa isoo qoray hanbalyada ku aadan caafimaadkayga, waad mahadsantihiin dhamaantiin markale,...

Illaaa hada waxaan wadaa Cunista Qaraha Ama Xabxabka. waxaana ogaaday inay ku jirto caafimaad wayn, illaahay ayaa caafimaad hayee,. dadkana waxaan ku latalin  lahaa, inay cunaan qaraha haday helayaan, gaar ahaan dadka ku nool meelaha laga helo.
     
                                                       WABILAAHI  TOWFIIQ

 
Title: Re: Natiijadii Ka Soo Baxday, Cubidda Qaraha(Xabxabka) Iyo Kiiniinka Cepro
Post by: Dr.Tulip on November 07, 2013, 01:47:33 PM
Aleykom salaam

ilahay ha caafiyo dhaman inta muslim oo xanunsan yrab..adigana walaal ilahay ha ku siyaadiyo cafimad ka :)