Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wiilka Muqdisha on November 24, 2014, 08:06:27 PM

Title: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
Post by: Wiilka Muqdisha on November 24, 2014, 08:06:27 PM
Asc wr salaan ka dib dhaqaatiirta waxan waydiin lahaa xubinta taranka raga (guska) oo maqaarka qeyb ka mid ah uu yeesho midab sida qofka marku gubto oo ka bogsaday oo kala ah ..midabkaas muddo ayuu ku yaala kama baxayo wax xanuun ahna malahan. marka waa maxay midabkaas maxaase daawo u ah ...waa mahadsantihiin sc wr
Title: Re: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
Post by: SomaliDoc on November 25, 2014, 11:45:01 AM
Midabka oo ka luma qeyb ka mid ah haragga waxaa keeni karo dhowr waxyaabood, cawrada waxay ka mid tahay meelaha uu midabka ka lumi karo oo sida aad tilmaantay uu noqon karo.

Midabka oo lumo waxaa loo yaqaannaa "Hypopigmentation", waxaana keeni karo:
1- Cudurka loo yaqaanno "Qawadka" oo uu keeno jeermis fangas ah, halkaan ka akhriso waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html)
2- In nabar meel ka soo baxay oo haar ahaan u bogsatay, kadibne qoloftii ka dhacday.
3- Waxaa jira cudur ka lumiya midabka maqaarka oo loo yaqaanno "Vitiligo" ama "Baras-ka" oo isagane wuu noqon karaa, maadaama meelo ka mid ah jirka uu ku dhici karo oo qasab aysan ahayn in jirka dhan uu ku faafo, halkaan ka akhriso Baraska (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2505.0.html), Halkaan ka akhriso in Baraska uu daawo leeyahay iyo in kale (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5291.0.html)
4- Waxuu kaloo noqon karaa in meesha midabka ka kacay uu xanuun ku dhacay keeni kara midab badal sida cudurrada loo yaqaanno "Inflammatory disorders"
5- Waxaa kaloo jira cudurra dhowr ah oo lagu yaqaanno calaamdda midab ka guurista.

Sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar maqaar la xiriirtid si loo eego, haddii aad baaris u baahatidne laguugu sameeyo.
Title: Re: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
Post by: Wiilka Muqdisha on November 27, 2014, 05:16:57 AM
Aad iyo aad u mahadsantahay