Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aamino on December 22, 2014, 11:55:35 PM

Title: Su'aal: Tiibisho Calooleed?
Post by: Aamino on December 22, 2014, 11:55:35 PM
Asc wan idin salamay salan kadib waxa jirta gabar walashay ah oo xanunsanaysa  oo calosha biyo laga shubay waxa ay ahayen biyo boratin leh ayey dhehen dhakhatirti marka tibayda calosha ayey noqon kartaa ama fix kutal makanka marka wa inan ku qala iyana qalinki waydiday oo waxay tiri dawada tinbay caloleda ayan iskaqadanaya hada waxay dawadi qadanaysa 4 bil weli wax isbedel ahna mahayso marka waxan idin waydin laha manoqonkarta fix biyahasi?
Title: Re: Su'aal: Tiibisho Calooleed?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2014, 11:40:17 AM
Biyaha borotiinka leh ee caloosha galo ama sida afka qalaad lagu yiraahdo "Exudative Ascites" waxaa keeni karo dhowr cudur oo ay ka mid tahay Xanuunada infkashanka sida bakteeriyada ku dhacdo xuubka ubucda saaran, Tiibishada, Kansarka, Infakshan ku dhaca Ganaca (Pancreatitis) iyo xanuunka hoos u dhaca hormoonka throodhka (hypothyroidism).

Inta aan qofka la qalin waa in marka hore la ogaadaa waxa u keenay biyahaan borotiinka leh ee caloosha galay, fadlan takhtir aqoon u leh xanuunadaan la xiriir si laguugu sheego waxa ku hayo ama lagaaga daaweeyo.