Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hawakalif on January 22, 2015, 02:09:08 AM
-
Asc wa mahadsantihin dhamantina ilaahay ajir ha idiinku siyo
Walalayal sual ba qaba
Waxa dhaqtarkeygu igu yiri murqaha miskaha ba ku dabac san
Marka suasheydo waxay tahay maxa keeena murqaha miskaha dabcaya age miyaa na
Keena mise xanun
Gabar an wax dhalin murqaha jilcan mahadsanidin
-
Murqaha miskaha ku jira wuxuu eebe ugu tala galay in ay xubnaha ku jirka miskaha ay booskooda ku celiyaan oo dabacsanaan dhicin sida kaadiheysta, minka, ibta kaadida iyo cinjirka futada iyo murqaha farjiga.
Waxay kaloo murqaha ka qeyb qaataan in ay sahlaan soo saaridda uurjiifka xililga foosha iyagoo soo cadaadiya ma kala wareejiya qaabka ugu habboon oo u soo bixi lahaa.
Dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka timaadaa markuu dhaawac gaaro neerfaha quudiyo oo sii awoodda ay wax ku xajin karaa, waxyaabaha dhaawici karo waxaa ugu horrayso uurka iyo foosha.
Waxaa kaloo dabcin karo haddii qofka lagu sameeyay hadda ka hor qaliin xagga miskaha ah.
Waxaa kaloo dabcin karo in qofka uu dhaawac ka soo gaaro jimicsiga iyo ciyaaraha.
Dhibaatooyinka uu keeno dabacsanaanta murqaha miskaha waxaa ka mid ah kaadida oo ceshan wayso, minka oo soo raaraacsamo, darbiyada farjiga oo kala durqo sida qofka oon ku raaxeysan galmada.
Waxaa arrintaan lagu xallin karaa markii bilaw tahay in la sameeyo jimicsiga Kegel ee murqo xoojinta miskaha oo halkaan ka daawan karto (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3681.msg11014.html#msg11014), haddii ay wax tari waydo waxaa dhici karto in takhtarkaaga kugula taliyo in qalliin seedaha murqaha lagu giijinayo lagugu sameeyo haddii xaaladaada ay culu tahay.
Fadlan la xiriir tkahtarkaaga isagaa la socdo sida xaaladaada ay tahay iyo xalka kugu habboon.
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo minka oo soo raaraacsamo ama soo dhaco (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1730.0.html)
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.