Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac Garweyne on February 07, 2015, 10:48:34 AM
-
Asc dr slan ka dib waxan raba in aad i fahamsisan 2bo arimood o aan isku arkay. Mid waa surka o aan marwalbo jeclahay in aan qalqalociyo isagon wax xanun igu heynin dad baa igu dhahay shimbirow baad qabta wax xili walba i hayo ma'ahan o mudo kadib wan ficnanaya mudo kadibnah wan isku arkaya wan fahmi wayay wuxu yahay. Mida kale waa dalqada akteda aya marmar iyadana ixanunta o mel nabro leh u eg waxeyna igu darantahay markan afka mudo isku hayo walina dhaqtar uma'anan tagani thanx dr
-
Qoor qalqaloociska calaamad uma aha cudurka shimbirowga.
Qoorta oo la qalqalloociyo ama la juciyo, qasab maahan in uu xanuun keeno, dad ayaa jecel oo caadaystay sida dadka jecel oo kale in faraha ay jucsadaan markay xoogaa joogaan.
Laakiin xanuunno waxaa jiro keeni kara in qofka uu qoorta qalqalloociyo ama caajis qoorta uu dareemo, qaabka ay u timaadane waa xanuun kasta oo saameyn kara giigsanaanta murqaha qoorta, haddii aad aaminsa tahay in xanuun kuu keenay fadlan al xiriir takhtar si lagaaga baaro.
Midda ku xigta, xanuunka la ga dareemo dalqada oo nabro la socdaan waxay noqon kartaa infekshan quumanka ma xanuun kale oo dhuunta ka yimid ee fadlan taasina kala xiriir takhtar si loo eego dhuuntaada, haddii baaris loo baahdane laguugu sameeyo.
Halkaan ka akhriso waxa Shimbirowga uu yahay? (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2715.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)