Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Choukri on February 08, 2015, 10:26:33 AM
-
asc dhakhter tayadah qaliga ada iyo ada ayaan idiinku soo duceeyay dhaman tiin melkastod kala joogtan hno wll waxan rabaah inana idiin waydiyo waxa jiirta gabadha wallashay oo cunug yar ooy dhashay ona jiira 3 bilood jiirah waxayna kusa maysa cusbadah caruurta markay yaryin lacusbeyo ee mahay udhimikarta cafimadkisa iyo korsintissa waxana rabah dhibatadah ayaay ledahaay doctor inaad isheegtan waayo dadaka dhamantod wahay amiinsanyin inaay dawoo uutahay caruurta .wana idiinka sugayah suu:asha jawabtidah.byyyyyyyyyy
-
(http://somalidoc.com/Topics/cusbeyn.png)
Cusbada caruurta dabada laga galiyo hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in ay caloosha sifaynayso ama gooryaanka caloosha ku jiro dilayso.
Taasina ma ahan wax caafimaad ahaan sax ah, cusbada waxay soo dhuugtaa dheecaanka malawadka ku jiro, ilmahane waxay dhigaan shuban biyo ah, taasna ayayna hooyooyinka ay aaminsan yihiin in ay tahay wasakh axalo wadato oo cusbada soo saartay, laakiin sida saxda ah waa dheecaan fuuqbax ah.
Midda xigta cusbada ma disho gooryaan, mana soo rido, fadlan cunugaaga hadduu xanuunsan yahay la xiriir takhtar cduurada caruurta si loo daaweeyo.
Inkastoo ay caadadaan ay ka mid tahay caadooyinka laga tagay, laakiin hooyooyin weli caruurtooda cusbeeyo way jiraan, waana in laga waaniyaa.
Midda kale cusbada waxay dhaawac gaarsiisaa dubka malawadka oo waxay u samayn kartaa dhaawacyo hadhow infakshan ku dhalan karo.
Walaashaa u sheeg in ay joojiso cusbeynta caruurteeda ay ku samayso.
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)