Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samiir29 on February 19, 2015, 12:43:34 PM
-
dhakhtar waad ku mahadsan tahay web,kaan aad umada ugu faa,iidey neysid hadaan u gudbo su,aasheyda waxa ay tahay qofka oo dareema sidi in ay saxaro hayso oo wax soo riixayaan marka uu suuliga tago uu ku qaadanaayo waqti dheer sidaa oo ay tahay neh waxba ayna ka imaaneeynin kadib neh dhibki ahaa inuu dareemaayo wax soo riixaayo una baahan iney soo baxaan uu sidi sii ahaado ilaa maalin ama 2 maalin ee xigta maalinkaas koowaad kadib ay ka imaaneyso kadib neh uu helaayo nafis yar oo ah inuu saxarooday hada neh xoogaa saacado ah kadib dareemaayo sidi oo kale wali inuu wax kusii harsan yihiin ilaa uu hadaneh waqtiga saxaradi ee shalay uu ka gaaraayo sidi drareemo ee hadaneh markale u fariisanaayo dhibtaas maxeey tahay neh?masaxaradi oo si sax usoo wada bixi karin miyaa?mise systemka isku xiraayo soo bixideeda iyo qeybaha kale ee la shaqeeya dhib kajro waaye?ama xanuun ku dhacay waaye qeeyb kamid ah systemkaas?hadaba dhibkaas muxuu yahay?DHAKHTAR MAHADSANID
-
Dareemidda in saxaro ku hayso ama ay soo dhowdahay, markaa musqusha gashidne ay wax kaa imaan waayaan, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Tenesmus", waxay calaamad u tahay xanuuanda ku dhaca xiidmaha iyo maroorka.
Xanuuanda keeno waxaa ka mid ah:
1- Nabar maroorka ama futada oo malax gashay.
2- Burooyinka xiidmaha iyo maroorka ka soo baxo oo hor istaagi karo in saxarada ay soo marto.
3- Xanuunka bararka xiidmaha ee loo yaqaano "Crohn Disease", halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html)
4- Infekshanka ku dhaco xiidmaha, halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html)
5- Dhibaato xagga faarujinta xiidmaha oo ah cillad neerfaha la xiriirto.
6- Xanuunka boogoobidda xiidmaha ee "Ulcerative Collitis", halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html)
Sidaa darteed si loo ogaado xanuunka ku hayo waxa kuu keenay waa in aad takhtar la xiriirta si laguu baaro, kadibne daawo laguugu qoro.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.