Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac Garweyne on February 21, 2015, 03:28:52 PM
-
Asc doctors sln ka dib waxan idin ka codsanaya in aad iga jawabtan dhibato aan isku arkay last 5yr lkn aan xanun igu heynin but sanad kasta sikobcaya. Wana kurtumo lugta midig canqowga agtisa iiga so baxay o hal hal uso muqanaya mudo ka dibna weynanaya o wax xanunnah aan lahen ila hada 4waweyn iyo 4yar yar o soweynanaya aya igu yala e mxa kena wlal
-
Inkastoo ay fiicnaan lahayd in la arko kurtumaha aad tilmaantay nooca ay u eg yihiin, laakiin kuuskuuska jirka ugu badan ee ka soo baxo waxay soomaalida u taqaannaa "Honqor", caafimaadkane waxaa la yiraahdaa "Warts", waxay u badan tahay badanaa lugaha, gacmaha, qoorta iyo cawrada, Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html)