Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on March 11, 2015, 03:54:38 PM
-
Asc walayal aad baad u mahdsantihiin dhamnteen waxaan rabaa inaan idin waydiiyo xabtu sawdaa ma la siin karaa ilmaha halka sano ka yar
-
Xabatu Sawdada waxay leedahay waxyaabo nafaqo leh oo muhiim u ah korriinka caruurta, laakiin waxay takhaatiirta kula taliyaan in aan si toos ah caruurta loo siinin labada sano ee ugu horreyso laakiin hooyada ay isticmaasho haddii ay naas nuujiso.
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo faaidada xabad sowdada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html)
-
Jazakalaaha khayr dr suashaydu wahay tahay
waxaan hory u siin jiray gabdhayda oo ka yareed sanad marka waxaan ku arkaa hada cirdka oo barara af ur marka dadku waxa ileeyihin feeraha ayey ka gubtaa ilmaha hada waa 2jir dhaqtrna waan geeyey wuxuu dhahay waa infecatin wayna roontaa lkn markay ayaan joogto wuu ku soo noqadaa marka ma la is dhihi karaa xabtu sawdaa ayaa u sabab ah jazakaa khayr
-
Xabad sawdada waxay ka hortagtaa infekshanka oo ay la dagaalantaa, mana keento infekshan ku dhaca afka ama quumanka toona.
Waxaa dhici karto cillad kale in ay jirto oo infakshanka keenay.