Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on March 11, 2015, 04:48:50 PM
-
Asc wrb aad baan idinku mahad cilinaayaa fursadaan qaaliga alah idin barkeeyo cilmiga
dr waxan dareemaa culays inuu iga saarnyahay madaxa gaarahaan nushnushlayda meesha jecalsan caruurta markay yaryihiin
hadii aan aad u sheekeeyo waxaan dareemaya kulayl xaga wajiga ah iyo hadalka oo aan sii wadi karin afka oo i jareerya wadno xanuun yar iyo ka dib madax xanuun markaa waxaan u bahnaanyaa inaan meel goonya u baxo wajiga biyo qabow ku dhaqado qaarana aan cabo waan roondaa marka
waxaa kaloo jirta hadii aan xanaqo inaan is markiiba dareemo madaxa xanuun ilaa aan kaniini ka cunana igama ba`ayo
dr waxaan dareemyey xanunkaan mudo afar sano ku dhow waxaa dhib igu ah waxa xifdinta salaado xitaa inaan ku tukado qushuuc way igu adktahay
ilahay qayr idinka siyeey waxaa ka fahabteen iiga soo jawba
-
Madax xanuunka wato fakar-ka oo la xiriiro nafsiyaatka qofka waxaa keeni karo diiqada, waxyaabaha kiciya waxaa ka mid ah xanaaqa, naxtinta iyo faraxa siyaadada ah, qofka wuxuu dareemaa madax xanuun, ciriiri, culeyska madaxa iyo feeraha ah, kuleel jirka oo dhan iyo wadna garaac siyaado ah.
Fadlan halkaan ka akhriso noocyada madax xanuunka iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
-
Jazakalaah qayr dr waxaan ku waydiiyewy hooyo nuujinyso ma qaadan kartaa daawadaan
qofka markuu ku noqdo chronic daawe kale ma jirta mise wuxuu u baahnyahay dhaqatar
mida kale madaxankaan markaan la iska daawayn ma keeni karaa waali iyo controll la'aanta hadalka
jazkalaaha qayr dr ilahay ha kuu barkeeyo cilmiga
-
Daawadee ayaa ka wadaa?
Daawooyinka loo qaato madax xanuunka nooca aad ka cabanayso waa la qaadan karaa xilliga naasnuunjinta ee fadlan la xiriir dhakhtar.
-
Jaxakalh qayr dr daawdu waa acetamphon and ibrufeen
-
Jaxakalh qayr dr daawdu waa acetamphon and ibrufeen
Haddii madax xanuunkaaga uu yahay mid al xiriiro niyadjabka ama welwelka ama fakarka, badanaa daawooyin kalaa loogu tala galay ee Paracetamol iyo Ibuprofen waxtarkooda wuu xadidan yahay, fadlan la xiriir takhtar.