Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdi Sheekh on March 15, 2015, 09:16:43 AM

Title: Su'aal: Markasta oo baabuur raaco waan matagaa?
Post by: Cabdi Sheekh on March 15, 2015, 09:16:43 AM
Asc dhaman wan salmaya dhakhatiirta shafarta leh.
Dhibaato aya iga haysata dhinaca kusafarka baabuurta anigoo markasta oo an damco in aan safar galo u ilasodarso xanuun kasso ah mantag anan marna kanafisayn inta aan kujiro safarkaas.
Xanuunkan oohadda umuuqda inuu marmarka kadambaysa igusokordhayo anigo dareema degenaansh la'aan isla marka aan galo gaadhiga daqqiqado kadib.
Mxan iskaga dhimikara xanunkan wixi talo ah.
Mahadsanidiiin.
Title: Re: Su'aal: Markasta oo baabuur raaco waan matagaa?
Post by: Dr.Adnan on March 16, 2015, 08:15:10 AM
Dawakhaad, yalaalugo iyo/ama matag dhaca xilliyada qofku saaranyahay gaadiidka kala gadisan (barriga , Badda iyo cirkaba) waa mid dad badani ay ka cawdaan. Afka ingiirska waxa loogu yaqaan arrintan "Motion sickness".

Maxaa keena?

Waxa keena dhaqdhaqaaqa gaadiidku abuurayo oo ayna indhuhu arkaynin, taas aawadeedna xidhiidhka labada fariimood (dareenka dhaqaaqa iyo aragga) ayaa xilliyo kala duwan gaadhaya maskaxda, taas oo jaha-wareer ku abuuraysa maskaxda kana dheelanayaan dawaakhaad iyo matag.

Dadka qaar waxa sida oo kale xaalada tan ku kiciya marka ay dareemaan urta ama carafta walxaha qaarkood, gaar ahaan Batroolka amase cunooyinka qaarkood.

Sidee baad uga hor tagi kartaa?

Xilliyada safarka isku day inaad fadhiisato gaadhiga xagiisa hore, daaqada fur oo neefso hawada waa hadii aanad awoodin inaad indhaha isku qabato oo aad seexato. Sidoo kale ka feejignaw inaad wax akhrido ama aan jaleecdo walxaha iyaguna socda (sida baabuurta kale ee jidka maraya). Sidoo kalena cunto culus ka fogaw safarka kahor.

Hadii xaaladaadu mid aad kuu dhibaataynaysa ay tahay, siyaabaha aan xusayna aad ku maarayn ku maarayn kari waydo, waxa jira dawooyin xilliga aad safrayso kahor la qaato. Waxa haboon inaad dhakhtar kala xidhiidho si uu kuugu qoro dawooyinkaas oo aanad si toos u uga soo gadan farmashiyaha, sababta oo ah waxa ay leeyihiin dhibaatooyin la socda. Fadlan sidoo kale ka taxadar inaad gaadiidka adiga kaxayso xilliga aad dawakhsantahay amase aad dawooyinkan qaadato.