Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aamino on March 16, 2015, 05:51:41 PM

Title: Su'aal: Muruqa dabada oo i adkaaday?
Post by: Aamino on March 16, 2015, 05:51:41 PM
Adban idin salamay dhakahtirta somaliyed  wadna ku mahadsantihin sida somali u cawisan inta kadib waxan qaba sual kusabsan saxarada oo an sifican iga so dhamanayn macnaha saxaro aya iqabanaysa markan musqushatagona igama so baxayso hadan rixona way idhigaysa mudo iminka labo sano kudhow ayan dhibka daremayey waxan lakulmay 4 dhakhtar  waxayna ishegen inan wax babasira qabin ki ugu danbeyey waxa u igu dhahay malawadka afkisa hore muruqa  aya ku adkaday  marka sababta ayey meshu u dilacaysa  aniga laftayduna waxan daremaya inay yaratay afka hore ee dabada waxka sobaxan marka hada waxa u iso qoray bomato lamarinayo laba jer malinti waxana uu igu dhahay muruqa ayey kala sikinaysa si meshuna ubogsoto hadi ay bogsan waydo waxan ku mudayna irbad marka waxan idin waydinaya irbadasi maxay dhibkenikarta maxaysetahay  wanfahmiwayey  markan waydiyey waxay dhehen wa sun lagu shubayo mesha si ay u bogsato adbad umahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Muruqa dabada oo i adkaaday?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 03:14:50 PM
Saxarada oo si dhib ah kaaga soo baxo ama futo dillaac kuu keento  waxaa keeni karo in murqaha malawadka ay giigsamaan ama adkaadaan.

Cirabadda ay dhakhaatiirta kuu sheegeen waxaa la yiraahdaa "Botox", waana cirbad loogu talagalay in murqaha ay jilciso dhibaatada ka jirto meelo badan oo jirka ayaa loo isticmaali karaa.

Waxyeeladeeda daawada iyo in ay dhibaato kuu keensanayso waxay ku xiran tahay qaabka laguu siinayo, aqoonta qofka ku siinayo iyo cabbirka lagaa siinayo.
Laakiin waa daawo jirto, xanuunka aad ka cabanaysane waa lagu daaweeyaa.