Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siciid Isse on March 25, 2015, 10:52:36 PM
-
Asc Wr Wb Salaan Kabacdi waxaan rabaa inaan Dhakhaatiirta Wayddiiyo Su'aal
Su'aasheydu waxaay u dhaceysaa sidan Waa maxay Inflammation , Sidee Ayuu udhacaa ( Machanism ) , maleeyahay noocyo ?
In physiology MAhadsanidiiin
-
Inflammation waa xaalad jirka qeyb ka mid ah ay lurto ama balbasho, wuuna ka duwan yahay caabuqa ama infekshanka.
Tusaale ahaan haddii meel jirkaaga ka mid ah, la dharbaaxo way soo barartaa, wayna kululaataa, midabkeedane wuu is badalaa, wayna daqnataa, taasi waa Inflammation.
Laakiin haddii meeshaan kasoo bax ka soo baxo oo dheecaan gashato waa Infection.
Iflammation-ka jirka gudihiisa wuu ka dhici karaa, sida kalagoysyada oo kale iyo meel kastaba, daaweyntiisuna way ka duwan tahay daaweynta caabuqa.
Waxaa loo kala qaybin karaa Inflammation degdeg ah sida tusaalaha kor ka muuqdo ama mid raago sida xanuuanda riixa, roomaatisamka iyo wixii la mid ah.
Haddii aad u baahan tahay warbixin intaa dheer oo ku saabsan qaabka uu u dhaco oo physiology ahaan, waxaan kugula talinayaa in bugaagta ka akhrisato, haddii ay jiraan meelo gooni ah aad fahmi la'dahay waan kuu sii waadixin karnaa.
Su'aalaha la xiriiro aqoonta caafimaadka ee ardayda u baahan yihiin in logoa faaideeyo waxaa lagu soo gudbiyaa qeybtaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,8.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,8.0.html)