Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on March 30, 2015, 07:57:21 AM
-
bacda salaan diktoore dhibaato ma keeni karaa talaalku hadduu ilmaha ka baaqdo xiligii talaalka labaad uu qaadan lahaa?. tusaale ahaan ilma yar ayaa la yidhi bil ka bacdi hala talaalo laakiin waxa dhacday inuu cunugii xanuunsaday wakhtigii talaalkiisu soo dhowaa taasina waxay keentay in cunugii talaalkii ka habsaamo ama dib uga dhaco hal iyo wax ka badan.
hadaba dhib ma ku keenirtaa cunuga iyo waxtarkii talaalkaba?.
-
Tallaalka wuu dib dhici karaa, waana la joojin karaa, middeeda kale tallaalka macnihiisa ma ahan in cudurkaas lagaa tallaalay uusan kugu dhacaynin, iyadoo waqtiyadii loogu tala galay dhamaysatay ayuu ku dhici karaa, iyadoo aan lagu tallaaline cudurka waad ka badbaadi kartaa, marka ma jiro qof ku dhici karo, tallaalkii waad ka booday ama ma dhamaysan sidaa darteed waxaa halis ugu jirtaa cudur hebel.
Midda kale, caruurta haddii ay xanuunsadaan lama tallaalo, oo qofkii isagoo xanuunsan ku soo aado xilligii tallaalka, waa loo dib dhigaa.
-
Gartay diktoor waad mahadsan tahay walal!.
walal waxaan is idhi mar hadduu cunuga talaalkii ka kala go'ay oo waqtigii talaalka labaad uu qaadan lahaa uu xanuunsaday oo sidaa talaalkii kaga kala go'ay
armuu dhib ku keenaa.... laakiin waad iga jaahil saartay....
markan oo qudhana maaha inta jeer ee aad i caawisaye waxaan kula socodsiinayaa inaad arrimo hore iga caawisay oo aad xanuun xaga neerfaha ah sharaxaad iyo talo aad iga siisay darteed aan dhibaatadii i haysay ku maareeyay.
illaahay amarkii waxaad tahay dhakhtar i caawiyaye walal alle haku caawiyo markasta iyo meelkasta oo aad joogtid.
Guulayso
-
Aamiin, adigane caafimaad ayaan kuu rajaynayaa joogto ah.
Walaal Barkhat, sababta boggaan loo fureyba waxay ahayd intaas oo ah in bulshada lagu caawiyo, waana sii wadi doonnaa insha'llah.
Takhaatiirta ka qeyb qaadato oo anigane aan ka mid ahay waxay u tahay sadaqo cilmigooda ay umada wax ugu tarayan.