Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdiqani_ysf on April 02, 2015, 05:51:34 PM

Title: Su'aal: Sidee ilkaha loo cadayn karaa?
Post by: Cabdiqani_ysf on April 02, 2015, 05:51:34 PM
Asc marka hore dhamaan dhakhaatiirta sharafta leh salaam ka dib
suaashaydu waxa weeye side loo cadayn kara ilkaha marka ay huuro yeeshaan ama wax cas ama wax madow ku dhagaan ilkaha sido kale diktoor waxaan maalin dhawayd website ka akhriyay in milixda hadii la tumo ilkaha lagu cadayn karo  laakiin milixdu miyaanay ciridka wax yeeli Karin
waa intaas suaashaydu ilaahay khayr ha idin siiyo
Title: Re: Su'aal: Sidee ilkaha loo cadayn karaa?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2015, 12:11:16 PM
Ilkaha huurada leh ama lakabka fuulo waxaa lagu caddayn karaa qalab loogu tala galay oo ay takhaatiirta ilkaha adeegsadaan, waxaa laga hoolayaa wasakhda ilkaha ku samaysantay, laakiin haddii ay tahay xanuun ilkaha ku dhashay sida suuska oo kale oo gaarsiisa jiridka ilkaha xala uma ahan in la caddeeyo.
Milixda waxay dhaawac gaarsiisaa ciridka ee haku cadaysanin, fadlan la xiriir takhtarka ilkaha si talo buuxda aad u heshid.