Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaakir999 on April 05, 2015, 07:22:08 AM

Title: Su'aal: Xubinteyda taranka way qalloocdaa?
Post by: Shaakir999 on April 05, 2015, 07:22:08 AM
Asaalamu calaykum marka hore dhaman bahda webkan.
Caafimaadku waa waa nimcooyinka ugu waaweyn ee allaah subxaanah watacaala bixiyo,o ay tahay in ilaah loogu shukri noqo.
Mrka su'ashaydu waxay tahay oo aan donaya inad xog iga sisan idinko mahadsan:
xubintayda taranka ayaa dhinac u jadhjeedha ama qoloocda.
Mrka ma xaalad dabiici ah baa,mise waa xaalad ay wax couse gareeyeen,haday xaalad xanuun tahay waxad donaya inaad isheegtan waxyaabaha keenay,iyo sida loo daawayn karo.
Waad mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Xubinteyda taranka way qalloocdaa?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2015, 04:03:24 PM
Xubinta ragga oo dhinac u janjeerta ama qalloocdo waa xaalad dabiici ah, wax dhib ahne ma keento, waxaa aad loo dareemaa markii xubinta ay kacsan tahay.

Dadka qaar way ku dhashaan, qaarka kalane maqaarka xubinta ayaa meel ka adkaada, iyadaana keenta in gees u jiido xubinta oo ay qalloocato.

Hadduusan qofka xanuun ku haynin ama dhib uusan kala kulmin, sideeda ayaa loo daayaa, wax laga walwalane maahan.
Title: Re: Su'aal: Xubinteyda taranka way qalloocdaa?
Post by: Shaakir999 on April 07, 2015, 05:59:23 PM
Laakiin aniga waxaa la dareemaa ama toos loo arkaa,marka uu xubinkaygu aanu kacsanayn,marka uu kacsanyahay waxaad moodaa,inaan aad loo dareemin,tan kale waxan maqlay inay jirto xal lagu daweynkaro o ah in camaliyaad ama qaliin lagu sameeyo,kawarama arintaa?
Mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Xubinteyda taranka way qalloocdaa?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2015, 02:42:53 PM
Taasi dhib ma lahan, wax saamayn oo noloshaada ku yeelanaysane ma jirto, mana ahan arrin qalliin loogu dagdago, fadlan sidaa la soco, haddii aad weli ka shakisan tahay la xiriir takhtar eega cillada aad tilmaanatay heerka ay gaarsiisan tahay iyo wixii xal ah.

Laakiin ogow, qalliinka xubnaha taranka dhibaato hor leh in ay kaa soo gaarto ayaa dhici karto, haddii aadan ka fakarin.