Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaakir999 on April 11, 2015, 09:07:52 AM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi badan?
Post by: Shaakir999 on April 11, 2015, 09:07:52 AM
Asalamu calaykum marka hore
waxan qabaa su'aal ah
waxaan isku arkay kaadi badnaan,weliba markaan cabo ,shaaha ama biyaha,aanan badsan sida caadiga ah u cabo,2 bekeeri ama hal bekeri o shaaha , ah ,iyo hal  koob o biyo ah,kaadi midabkedu yahay cadaan,imana xanuujiso si caadi ah ayey iiga soo baxaysa
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi badan?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2015, 01:54:05 PM
Kaadi badnaanshaha waxyaabo badan ayaa keeni karo, haddii aad aamisan tahay in aysan xiriir la lahayn cimillada oo is badalay sida qabow ama xilli roobeed la galay, cabitaankaaga oo batay, ama aadan qaadatay cunno ama daawo kaadida badinayso, waa in aad iska baartaa sonkor / kaadi macaanka ama infekshan-ka kaadida, haddii da'daaduna ka wayn tahay 45 sano waa inaad iska baartaa bararka qanjirka borostaatada, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7542.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7542.0)