Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnumaxamuuud on April 20, 2015, 09:07:17 PM
-
ASC dhakhaatiirta waa idin salaamay, salaan ka dib waxaa ixanuuntay IL muddo dhan 2 asbuuc ka hor, waana isha midig, waxaan dareemay xanuun subixii markaan soo kacay wax hore oo iga gaarayna ma jirto. ishu way iguduudatay waana ixanuuntay ilaa qaybta dambe ee suuniyaha ku beegan, sidoo kale way yaraatey ishii. waxaan utagay dhakhter wuxuu isiyay daawo, waa ku fiicnaaday xanuunkii waa iga tagay lkn waxaa dhacdey dawadii markaan qaatay waxaa shucaac iga galay ishii oo waxaad moodid dahaar ayaa ishii iga fuulay taaso keentay inaan arki waaayo qoraalka yaryar oo dhan iyo qoraxda oo aad moodidi inay aad ii dhibayso oo meshas bar tilmaameedsanayso.
Waxaan dhakhaatiirta ka codsanayaa arintaas inay talo iga siiyaan iyo waxaan sameeyo.
-
Waxaa laga yaabaa in takhtarka uu kaa daaway caabuq indhaha sida daafka oo kale maadaama il xanuun iyo gaduudasho la soo toostay, marmarka qaar daawooyinka inta aad qaadanaysid ama maalmaha ka dambeeyay way keenaan astaamaha aad ka cabanayso, laakiin haddii muddo ka soo wareegatay waxaad u baahantahay in taktharka aad ku laabatid si indhaha lagaaga fiiriyo haddii caad uu fuulay ama hadduu cadaadiska indhaha uu kacsan yahay.
halkaan ka akhriso qoraallo al xiriiro xanuunkaaga:
Caabuqa indhaha "Daaf"= http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html)
Caadka Indhaha "Cataract"= http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html)
Cadaadiska indhaha "Glucoma" = http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html)