Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hadrami on April 21, 2015, 01:47:41 PM
-
Asalamu Aleikum dhamantin wan idin salaamay qasatan doctor ka, Dr. su'aashan hore ayaa lagu weydiiyay laakin xooga way kaduwan tahay ee waa xanun lugaxa, kamaso bilaabanin dhabarka ee kali lugaxa hoose, waxan dareemaya markan dukanayo oo an udhaco sujuuda kama soo kici karo xanun iyo markan seexanayo habenkii laakin markan soconayo waa ok. gortan bilowday waa mar an ka qeybgalay tar tan orod ah ugu yaran waxan orday 4 KM oo an joogsi lahen kadib xanunkan ayaa igu bilowday, dhowr doctor ayan u tagay daawo ayay iso qoren waxba kama dareemin like: bumato, Analgesic, Anti-Inflammatory (VOREN) iyo daawo xanun joojin. plz Dr. any suggestion? thanks
-
In xanuunka ku hayo aad fahantid waxay ka qeyb qaadanaysaa filashada iyo rajada caafimaadka inta ay la eg tahay.
Cillaldaadu waxay ka dhalatay in aad orod dheer gashay adigoo aanan murqaha lugahaaga khaas ahaan kuwa gadaale aysan tababar ku fiican aysan qaadanin.
Murqaha gadaale ee lugta "claf muscles" waa murqaha ugu muhiimsan xilliga orodka, waaa muruq aad u wayn una baahan qulqul dhiig siyaado ah weliba markii la ordayo, taasoo lugta ay ka hesho oksajiin ku filan si aysan murqua dhaawac u gaarin.
Cadaadiska siyaadada ah oo aad muruqa saartay weliba adigoo aanan nasiino u dhaxaysiin, waxay keentaa in muruqaa uu giigsanaado oo shaqo ku jiro muddo dheer taasoo uu ku waayo oksajin ku filan waxayna keentaa in uu dhaawac gaaro unguyada muruqa, barar iyo daqnasho siyaado ah weliba markii aad giijisid sida in aad faraha fooddooda ku istaagtid oo kale ama markii aad sujuudda ka soo toosayso.
Xanuun dareemidda waa astaan in aad murqaha nasiino galisid oo aadan rucleyn ama orod kale samayn inta muruqaa ku xanuunayo, dad baa si qalad aaminsan in jimicsi dheeraad ah ay lugaha u baahan yihiin si xanuunka kaaga tago, taasi waa qalad wayna kaaga sii daraysaa.
Talo:
1- Xanuun baa'biyaha wad.
2- Muruqa nasiino ku filan sii
3- Salaadda kuris ku duko
4- Wax qabow waad saari kartaa muruqa, hana u dhawayn wax kulul ama qandac ah.
Muddo ka dib waad raysan doontaa insha'llah.