Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamedalhashi on April 25, 2015, 06:03:22 PM
-
Asc somalidoc alle ha idin xifdiyo hal sual ayn qabaa dhisida muruqyadu ma keentaa caafimaad daro mustaqbalka ah iyo waliba miyaa loo qaataa cunto gaar ah ...thank u
-
Dhisidda murqaha aan xad dhaafka ahayn ma keento caafimaad darro, laakiin haddii ay xadka ka baxdo oo murqaha aad u weynaadaan waxay keenaan wax loo yaqaanno "Hypertrophy" oo ah in unugyada murqaha ay aad u bararaan oo ay ku filnaa wayso tamarta jirka ama ay halis ugu jiraan in ay dillaacaan ama qulqulka dhiigga ku yaraado taasoo keenayso xanuun siyaado ah iyo unugyadaas ay dhintaan.
Waxay dhibkaan ku sii badan tahay dadka qaato daawooyinka la mariyo murqaha ama loo isticmaalo bararinta murqaha.
ma garanayo cunno u gaar ah murqo dhisidda laakiin cunnooyinka borotiinka uu ku badan yahay waxay muhiim u tahay korriinta lafaha iyo murqaha waxaana laga helaa hilibka, ukunta, beerka, kalluunka, digaaga, cambuulada iyo caanaha.