Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darbaal on May 04, 2015, 10:46:12 AM

Title: Su'aal: Waxaan qabaa hingo aad u fara badan?
Post by: Darbaal on May 04, 2015, 10:46:12 AM
walaal waxaan qabaa hingo aad u fara badan oo aan ahayn tan caadiga ah laabtana waxaad moodaa in ay wax fadhiyaan oo ay garna u dhaqaaqi la'yihin, waxaanna dareemayaa kulayl laabta ah marka ay hingadu socoto

mahadsanid walaal
Title: Re: Su'aal: Waxaan qabaa hingo aad u fara badan?
Post by: SomaliDoc on May 07, 2015, 11:43:30 AM
Hingaad waxyaabo badan ayaa keeni karo oo kala duwan, sida dabiiciga ah hingada aan xanuunka ku imaan waxaa keeni karo: cabitaanka biyaha aashitada leh sida pepsi-ga ama coca-colla-da oo kale, cabitaanka khamrada, dharagta siyaadada ah, welwelka ama diiqada, heerkulka jirka oo si degdeg ah isku badalo ama adigoo hawo badan liqa sida markaa xanjo calaanjinaysid ama wax dhuuqaysid oo kale.

Midda xanuunka la socoto waxaa keeni karo dhowr cudur oo ay ka mid noqon karaan: dhagta oo ay wax kaa galaan sida tin oo kale, gaaska iyo laabjeexa, caabuq dhuunta, cillad madaxa haddii ay jirto, dhaawac gaaray neerfaha qaabilsan hingada iyo cillado badan oo halkaan lagu soo koobi karin.

Takhtar la xiriir sida ugu dhakhsiyaha badan haddii aad isku aragtid mid ka mid ah calaamadahaan:
1- Hingo labo maalin ka badan
2- Buro ama kuus soo muuqdo oo bogga kaaga soo baxo.
3- Miisaankaaga oo lumay iyo tabar darri siyaado ah.

Haddii aad faahfaahin dheeraad u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)