Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maryam22 on May 27, 2015, 07:54:44 AM

Title: Su'aal: Shahwada ninkeeyga weey i gubtaa?
Post by: Maryam22 on May 27, 2015, 07:54:44 AM
su asheeyda waxa weeye odaygayga markuu ii tago shawadiisa weey igubtaa wax basbaas ahna ma cunyo lkn wuxuu istimalaa tuun iyo sanjabiil malaga yaaba inuu infection qabo sideese loo baari karaa haduu infection qabo
Title: Re: Su'aal: Shahwada ninkeeyga weey i gubtaa?
Post by: SomaliDoc on May 28, 2015, 10:30:59 PM
Hambab aad dareento xilliga biyo-baxa waxaa keeni karo dhowr waxyaabood oo kala ah:
1- In aad allerji ama xasaasiyo ku tahay shahwada ninkaaga, wayna dhacdaa mararka qaar, laakiin tani ma ahan mid soo booddo ah oo arrin joogto ah, qofkane uu markasta dareemo.
2- In aad qabtid xanuun loo yaqaano "Vaginitis" oo ah balbal cawrada ah, waana isbadal ku dhaca dheecaannada farjiga taasoo keeni karta in dubka gudaha ay dhaawacmaan.
xanuunkaan waxaa la socodo badanaa qoyaan badan iyo cuncun, galmada ka hor.
3- In xoqdin ama dillaac maqaarka ama xuubka farjiga uu sababay galmada, khaas ahaan haddii aanan la isticmaalin subkiye, tan haddii ay dhacdo waxaa hanbabka ama balbalka la dareemaa xilliga biyo-baxa maadaama shahwada ay ku jiraan waxyaabo aashito leh oo dhaawaca hambabin karo.

Cunno kulul oo la cuno sida basbaaska, tuunta, zanjabiilka, filfisha iy o basasha intaba shaqo kuma lahan, shahwadane ma kululeyso.

Talo: haddii aad leedahay astaamo infekshan sida aan kor ku soo tilmaamay, waa in aad daawo ka qaadataa oo takhtar u tagtaa.
Haddii aad arintaan kugu cusub tahay oo aadan horay iskugu arag, iska ilaali wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara xuubka farjiga sida in qalleel lagu galmoodo oo kale, waa in aad galmada ka fogaataa dhowr maalmood inta ay dhaawaca ka raysanayo, kuna dadaal nadaafadda, kana fogow daawo aanan takhtar kuu qorin.