Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahra Cabdi on May 29, 2015, 10:30:10 PM
-
Asc walal waxan rabay qof hada ko hor ku dhacay stroke oo qata aspirin lana yiri inta naftu kugu jirto ma jojinesid guuxa dhahana hal dhag ka qaba muxu sameyn karaa mana jojin karo aspirin kee. Mahadsanidin
-
Daawada asprin-ka waxuu ugu horreeyaa daawooyinka dhaga-guuxa keeno, laakiin badanaa waa haddii cabbirka "Dose" uu qofka ku badan yahay.
Haddii ay daawada asprin-ka ee looga hortago stroke iyo wadna qabadka waa 75 mg, maalintiina waa hal xabo, hadduu intaa ka badan yahay, waa in laga yareeyaa oo aad la xiriirisaa dhakhtarka.
Hadduu cabbirka intaa yahay, guuxane uu qofka dhibaato ku hayo waxaa jiro daawooyin gali kara booska Asprin-ka, laakiin way ka qaalisan yihiin meel kastane lagama heli karo, waa in aad kala tashataa takhtarkeeda arrintaasne.
Midda kale haddii ay jiraan daawooyin kale oo qofku uu la qaato Asprin-ka way keeni kartaa in ay cabbirka asprinka uu ku siyaado qofka oo daawadaas kale ay kordhiso, taasna waxaa habboon in la ogaado daawooyinka kale ay la qaadato, maxaa yeelay qofka Stroke ka soo kaco, daawoyin badan oo kala duwan ayaa badanaa takhaatiirta u qoraan.