Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hawakalif on June 10, 2015, 07:48:43 PM
-
asc walalayal dhamantin salankadib
maxaa sabab u ah haweene uur 18 weeks ah
in ay marki la gaaro 6:00 fidnimo ama wixii galabti logaro ba ay
caloosha fureyso sidi dibiro
ay jif iyo fadhi midna u ficnen
asc mahadsanidin
-
Caloosha oo ku dibbirto xilliga uurka waxyaabo badan ayaa keeni karo, waxaa ugu horreeyo Gaaska, haddi aad gaas qabtid dibbiro iyo caloosha oo shanqarto marmarka qaar waad yeelan kartaa inkastoo ay ku xiran tahay xillaga aad wax cunayso iyo xilliga aad walaacsan tahay, laakiin waqti gooni ah maalin kasta ma lahan.
Midda kale ee keeni karo waa haddii aad mataano sidid ama biyaha uurjiifka ay kugu badan yihiin, taasina lama arko bilaha hore, oo waxay u badan tahay wixii 7 bilood ka dambeeyo.
Waxay kaloo ka maan kartaa cadaadis caloosha ama xanuun la socdo waqtiga aad tilmaantay ee 18 usbuuc in cillad xaga uurka la xiriirto, sida in ilmaha ay qoolan yihiin oo kale.
Taladayda waa haddii aad dareensan tahay in waxaan ay kugu cusub yihiin oo horay aadan u arki jirin haddii aad horay uur u yeelatay in aad takhtar la xiriirtid, haddii aad aaminsan tahay wax gaaska la xriira iyadane in aad takhtar u tagtid si gaaska lagaaga daaweeyo.
Markasta hooyada uurka leh in ay takhtar la xiriirto waa muhiim.
Halkaan ka baro cilladaha la socdo uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html)